Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Qabsashadda Caabudwaaq waxay muujineysaa Khiyaamidii loo dhigey Maamulkii Ximin iyo Xeeb la oran jirey

$
0
0

DSC05822Sawirku waa Magaalada Cadaado oo ahaan jirtey Caasimada Ximin iyo Xeeb

Magaalada Caabudwaaq waxaa gacan ku heynteeda la wareegay Maamulka Gobolada dhexe ee Ehlu Suna Waljamewca taasina waxay horseedey in Maamulkaan uu kusii fidayo Deegaanadaas oo idil.

Tan iyo markii uu dhamaadey Shirkii Cadaado ee Cabdixakiin X Guuleed loogu doortey Madaxweynaha GalMudug waxaa soo baxaysy baratan hoose oo ku salaysan Beelaysiga iyo awooda Beelaha Dega Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

Markaad eegto shaxda sida loo dhigey iyo sida wax u socdaan iyo sidii wax loo damacsanaa waxaa si waadaxa kuugusoo baxaya in meesha lagu dulmey Reerkii la oran jirey Ximin iyo Xeeb.

Maamulkii Ximin iyo Xeeb waxay ahaayeen Maamulka kaliya ee aadka looga tix galiyo deegaankaas maamuladii ka jirey, Deegaanadii Ximkn iyo Xeeb waxay ahaayeen Amaan iyo mid ku talaabsadey Horumar, bal eeg siday ka dhigeen Caasimadoodii Cadaado.

Hay’adaha Deeq bixiyaashu oo ay u horeeyaan UNSOM waxay u hayeen tixgalin Maamulkaas oo qaybtooda deeqaha waa lasiin jirey, Lakiin Maamulkii Saas ahaa waxaa hawada ka saarey labadii Maamul ee Dariska la ahaa (Galmudug iyo Suna Wal Jameeca) iyagoo kaar farsameysan u adeegsadey. Ogow Maamuladaan waxay ku salaysan yihiin qaab qabiil.

Tiknikali ahaan Cabdikariin Xuseen Guuleed wuxuu badalay oo booska u baneeyey Cabdi Qaybdiid, Waana Madaxweynaha Galmudug, Koonfurta Mudug oo qura laakiin wuxuu ku darsadey Deegaankii awal la oran jirey Ximin iyo Xeeb oo loolan deegaan ku hayay Maamulka Koonfurta Mudug ee Galmudug.

Tani waxay keeneysaa in Deegaanadaas ay hada si dhib yar u maamulaan Maamulka Koonfurta Mudug, wixii deeq Caalami ah oo lagasoo helo Xamar na waxaa si toosa loogu hagaajiyaa Koonfurta Gaalkacyo.

Reerka hada u badan Dhuusamareeb iyaguna meeshey awal joogeen ayay joogaan iyagoo huwan labadii shaar ee ay awalba qaadan jireen oo ahaa Shaarka Dowlada Federaalka, inkastoo aysanba hada isku fiicneyn iyo shaarka Suna Wal jameeca.

Allo nin aan wax ogeyn ha cadaabin.

Xuseen Farayare
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles