Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dhagayso Wasiirada Haweenka ee Puntland iyo Jubaland oo daaha ka qaadey iskaashii dhex mari doona labada Wasaaradood

$
0
0

AnisaSawirku Waa Wasiirada Haweenka iyo Qoyska Puntland Aniisa Xaaji Muumin

Wasiirada Haweenka Jubalan Qamar Khaliif iyo Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa shaaca ka qaadey iney guda galayaan iskaashi iyo wada shaqayn dhex mari doonto Labada Wasaaradoo.

Labada Wasiir oo warsaxaafadeed khadka teleefoonka wada qabtey ayaa sheegey in labada Wasaaradood ay Wada sheqayn joogta ah iyo isdhaafi khibradeed ay Wada yeelan doonaan.

Iskaashiga labadaan wasaaradood ayaa qayb ka ah heshiis ay wada gaareen Puntland iyo Jubaland, heshiiskasoo qeexaya iskaashi horumarineen oo dhex mari doona Hay’adaha Dowliga ah ee Jubaland iyo Puntland.

Wasiirada Horumarinya Qoyska iyo Haweenka Puntland Marwo Anisa Xaaji Muumin waxay aad usoo dhaweysay wada shaqaynta Wasiirada Haweenka Jubaland Marwo Qamar Khiliif oo iminka howlo shaqo u joogta Cariga Maraykanka.

Wasaarada Haweenka Puntland waxay ka mid tahay Wasaaradaha ugu horumarinta badan Wasaaradaha Puntland, Wasiirad Anisa Xaaji intii ay Xafiiska joogtay waxay safaro shaqo ku kala bixisey inta badan deegaanada aysan awal gaari jirin Hay’aha Dowliga ah iyadoo lasoo kulantay soona dhagaysatey Haween badan, Waxaana hada socda Mashaariic lagu horumarinayo Qoyska iyo Haweenka Puntland.

Iskaashigaan cusub ee Haweenka Puntland iyo Jubaland waxay hor seedaysaa in Wasaarada Haweenka Jubaland ay ka faa’iideysato khibradaha Puntland ka gaartey Horumarinta Qoyska iyo Haweenka.

Hoos ka dhagayso Labada Wasiir


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles