Dhammaan jaaliyaddaha reer Puntland iyo Jubbaland ee ku nool wadankan Finland waxaa loogu bishaaraynayaa in la qaban doono xafladdii ay wada sugayeen oo ku aaddan sannadguuradii 17:aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay dawladda Puntland.
Xafladda oo ay weheliso casho sharaf loogu talagalay dadweynaha xafladda imaanaya, ayaa waxaa sidoo kale la rajeynayaa inuu khudbad ka jeedin doono madaxweynaha dawladda Puntland iyo weliba madaxweynaha Jubbaland.
Haddaba waxaan si sharaf leh uga codsanaynaa dadweynaha reer Puntland iyo Jubbaland in si wadajir ah looga soo qayb-galo xafladda, loona weyneeyo maalintaas oo ku beegan dhalashadii Puntland 1st August.
Xafladda goobta lagu qabanayo iyo cidda lagala xariirayo, please ka daalaco card:ka xayeysiinta xafladda ee hoose.
Mahadsanidiin
Maamulka Jaaliyadda Puntland ee Finland