Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Baaq soo dhowayn iyo mahadnaq ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) iyo qodobbo muhiim ah oo ay soo saareen,kuna saxiixan yahay guddoomiye Deeq Cabdi Digale

$
0
0

Screenshot_2015-07-11-14-14-18-1
Bismillaahi Arramanirraxeem. ummada reer Somaliland iyo reer Puntland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Ka: Beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale).

Ku:  labada shacab ee reer Somaliland iyo reer Puntland.

Og: Dawlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.

Ujeeddo: Baaq soo dhowayn iyo mahadnaqa.

Taariikh:10/7/2015.

Annaga oo ah jaalliyadaha qurbajoogga Beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale). waxaanu soo dhowaynaynaa Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir iyo waftiga uu hoggaaminayo ee guusha kala soo gurya noqday gobta ay la kulmeen soona gaadhay Magaalada Hargaysa ee caasimadda dalka Somaland,taas oo ahayd abwaanka gayiga Somalidu degto laga ixtiraamo Abwaan Cabdwaxid Cali Gamadid oo muddo u xidhna waalaha maamul goboleedka Puntland laakiin xorriyadiisa u soo daayey ka dib markii ay aqoonsadeen in aanu wax dembi ah gelin kuna ixtiraamay ama ku soo sharfay codsigii ay ula tegeen waftigii uu hoggaaminaayey Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir.

Mahadnaq.

Allaha awoodda leh ayaa mahad mudan.

Beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale). waxay maammuus iyo qaddarin aan la soo koobi karin taariikhda u galisay maamul goboleedka Puntland  ismadiisa,madaxadiisa iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka,gaarahan  Madaxweynaha Dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,Boqor Burhaan,Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse,Suldaan Saciid Maxamed Garaas,Imaan Cabdwahab Guray,Garaad Cabdrashid,maayerka Garoowe Axmed Sacid Geelle Garoon, wasiirada amniga iyo dhammaan ciddii ka qayb qaadatay soo dhowayntii waftiga ee qiimaha lahayd iyo soo dayntii Abwaanka,arrintaas oo dhalisay labada bulsho ee reer Somaliland iyo reer Puntland walaaltinnimo taariikhda u gashay oo lama illoobaan ah, waxaa fududaan doonta is dhexgalka labada bulsho ee walaaha ah, waxaa sahlanaan doonta isu socodka ganacsiga.

Beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) waxay isla qaadatay qodobbadan hoose.

  1. In ay wada ilaashadaan nabadagelyada labada busho.
  2. In ay Beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) ku soo dhowayso madaxdhaqmeedka isimada  deegaanada ay beeshu degto uguna horrayso Magaalada Hargaysa ee caasimadda dawladda Somaliland.
  3. Cid kasta oo ixtiraam u fidisa Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir,in ay beelaha reer Somaliland la qaataan sharafta.
  4. In laga digtoonaado cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeeyaan wanaagga u dhexeeya labada shacab meelna looga wada jeedo.
  5. In dar ilaahay lagu walaaloobo.

Guddida jaalliyadda Beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale)

  1. Deeq Cabdi Digale======= Guddoomiye.
  2. Mustafe Cabdulahi Ismacil==Guddoomiye ku xigeen.
  3. Mahad Cabdi Xaji Good===Xoghaye.
  4. Cabdi Cabdulahi Mooge==xubin.
  5. Maxamed Cabdi Omaar===xubin.
  6. Cabdi Cali Xusen======xubin.
  7. Adan Farax Geedi=====Xubin.
  8. Fuaad Cisman Muxumed==xubin.
  9. Cabddulahi Xasan Maxamed=xubin.

Garabka haweenka.

  1. Amina Xaashi Guuleed======== Guddoomiye garabka haweenka.
  2. Sahra Ismacil Xasan====== Khasnajiyad.
  3. Hodan Sulda Rashiid======xubin.
  4. Fosiya Cisman Cawaale=====xubin.
  5. Ifrax Maxamed Baaruud====xubin.
  6. Fardawsa Adan Koodbuur==xubin.
  7. Nuura ciise omaar ======xubin

Guddida marjaca ama musdambeedka.

  1. Adan Mooge Xirsi (Adan ingiriis)
  2. Maxamed  Xasan Jafal.
  3. Maxamed Yusuf Diirqadhaadh
  4. Xasan Macalin.
  5. Abokor M.Shukri.
  6. Sheekh Ibrahim.
  7. Ismacil A.Xaawa.
 Wa billaahi towfiiq
Guddoomiyaha jaalliyadaha,
qurbajoogga beesha badhatamaha,
,bariga iyo koonfurta Hargaysa,
ahna G/ku xixeenka Ururka Gaaroodi
Deggen UK.Deeq Cabdi Digale
Ramadaan kariim waxaanu Allaah ka baryeyna in uu khayrkeeda ina siiyo

Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles