Image may be NSFW.
Clik here to view.Waxaa Caawa Fiidkii Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo si qax ah ku yimid kontomeeye Baabuur oo kasoo qaxay Magaalada Cadaado ka.dib markii Ciidankii Itoobiya ay isaga baxeen magaalada isla markaasna laga war heley in Ciidanka Maamulka cusub ee Gobolada dhexe garabka Ehlu Suna ay usoo ruqaansadeen dhinaca Cadaado.
Wararka aan ka helney Xaafada Baraxley waxay sheegayaan in Dadka soo qaxay ay yihiin Masuuliyiintii ku shirsanaa Cadaado ee dhowaan Madaxweynaha u doortey Wasiirkii hore ee Amniga Cabdikariin X Guuleed.
Dowlada Federaalka ayaa horey waxay Amisom uga dalbadeen in Cadaado lageeyo Ciidan suga ammaanka inta uu socdo shirkii Maamul u sameynta Gobolada dhexe, Ciidamada Itoobiya ayaana codsigaas ku tagay Cadaado, lakiin waajibaadka ay Magaalada ku joogayeen wuxuu ugu ekaa inta shirku ka dhamaanayay, shirkii markuu dhamaadeyna waxay bilaabeen maanta inay saldhigyadoodii ku laabtaan.
Dhinaca kale markuu fashilmey Shirkii Cadaado ayaa Maamul kale oo deg deg ah waxaa laga sameeyey Dhuusa mareeb oo ay gacanta ku hayaan Culumada Ehlu Suna kuwasoo ku goodiyey inay dhammaan deegaanada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug ay gacanta ku dhigayaan.
Sida hada muuqatana Cadaado waxay qarka u saaran tahay iney maalmaha soo socda ay gasho gacanta Maamulka cusub ee Gobolada dhexe oo ay hormuudka ka yihiin Ehlu Suna.
Puntlandi.com
Gaalkacyo