Madaxweyne kuxigeenka kowaad Maamulka goboladda dhexe ee Somalia Sheekh Xassan Gaboobe ayaa maanta markii ugu horaysay saxaafadda la hadalay,ayaa ka hadlay arrimo badan oo gobolada dhexe khuseeya.
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Xasan Gaboobe ayaa ugu horeyn sheegay in 1-dii luulyo 325 ergo ay Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Gobolada dhexe ku dorteen Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir,wuxuuna sido kale sheegay in 3-dii luuliyo isla magaaladaasi lagu doortay Madaxweyne kuxigeenada Maamulkaasi.
Mar u ka hadlayay Sheekh Xassan Gaboobe Mowqifkooda doorashada Galmudug,ayaa waxa uu sheegay in aysan aqoonsaneyn maamulkaasi lagu doortay Magaalada Cadaado,wuxuuna intaasi ku daray in Dowlada dhexe ee Somalia lacagtii lagu kharash garayn lahaa difaaca wadanka ay galisay Doorashada Cabdikariin Gulled.
Mar wax laga waydiyay Xuduuda Maamulkooda meesha ay ku eg tahay ama gobolka ay xaduud la leeyihiin ,ayaa wuxuu sheegay in Somalidu ay yihiin dad wada dhashay oo aan meel kala jirin balse madaama Dastuurka lagu dhigay Fedaraal xuduud way imanaysa buu yiri,balse waxaa muhiim ah in labada maamul ee isku dhagan ay ayagu isla fahman xuduudooda oo aysan noqon wixii cadaado ka dhacay oo lagu sheegtay dhul ay dad kale leeyihiin.
Isagoo hadalkiisa sii wata,ayaa Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaasi waxaa uu sheegay in Maamulkoodu uu guddi u saari doono arrimaha Xaduudaha iyadoo Guddigaasina uu war cad ka soo saari doono arrinkaasi.
Waraysigaan oo dheer islamarkana dhinacyo badan taabanaya waxaa ka dhagaysan kartaa qaybaha hoose ee qoraalkan.
HALKAN KA DHAGAYSO WARAYSIGA
www.puntlandi.com.