Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

In ka badan 22 Milyan oo dollar oo mudo lix biood ah ay Masuuliyiinta Dowlada Federaalku Musuqmaasuqeen

$
0
0

us-dollar-rebounds-ukraine-tensions-easeSarkaal sare oo ka Tiirsan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Codsaday in aan magiciisa la carabaabin ayaa saxaafada siiyey xog ku saabsan Malaayiin Dollar oo laga musuqmaasuqay kaasada Dowlada Federaalka Soomaaliya dhaqaalahaasoo u badnaa mushaarkii Ciidanka iyo shaqaalaha Dowlada, kuwasoo aan ilaa hada waxmushaara qaadan mudo lix bilood ka badan.

Lagasoo bilaabo bishii janaayo sanadkaan ilaa bishii Juun ee sanadkaan oo ah lix bilood waxaa Dowlada Federaalka usoo xeroodey Aduun gaaraya $49,228,331.74 (Afartan iyo Sagaal milyan,laba boqol iyo laba iyo labaatun kun, Sadex boqol sodon iyo sadex, afar iyo todobaatan santi oo Dollarka Maraykanka ah.)

US$26,555,902.83 Waxaa lagu bixiyey kharashaad iyo mushaar inkastoo mushaarkii Shaqaalaha iyo Ciidanka aan ilaa hada la bixin lixdaas bilood 75%.

Aduun gaaraya US$ 22,617,174.47 meel ay martey lama oga, lacagtaan badankeedu waxay ku baxdey ololaha doorashada Cabdikariin X Guuleed ee ka socda Cadaado.

Dhaqaalahaan la waysan yahay waxaa Qasnada Dowlada si toosa uga saarey Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, Qaybta Xisaabaadka.

Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidanka

Mushaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha Dowlada oo ay ku jiraan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka waxaa qayb bixiya Beesha Caalamka halka qayb ka midana loo qoondeeyey inay Dowladu bixiso laakiin lixdii bilood ee lasoo dhaafay qaybtii Dowlada Federaalku bixin lahayd lama bixin, inkastoo qaar kamid ah Shaqaalaha Dowlada, Ciidanka iyo Xildhibaano gaara ay heleen Mushaarkooda.

Fedexaadaan ku saabsan Malaayiinta Dollar ee bilihii lasoo dhaafay la musuqmaasuqay ayaa hadii ay Beesha Caalamku ay ka warhelaan waxay aqabad ku noqoneysaa Dowlada Federaalka oo iminka la daalaa dhacaysa dhaqaslo xumo iyo Beesha Caalamka oo shaki badan horey uga qabay in la musuqmaasuqo Xoogaaga mushaaraadka ah ee ay siiyaan Dowlada Federaalka.

Puntlandi.com
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles