Warar dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen ayaa waxay sheegayaan in Sadexda Saxiixe ee nidaamka Dowliga 2016ka waa Puntland, KoonfurGalbeed iyo Jubaland ay dhowaan soo saari doonaan Mowqif ku aadan 2016 ka iyo Dowlada Federaalka.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Sadexdaan Maamul Goboleed ay soo wada diyaarin doonaan Qorshe cusub oo lagu difaacayo Sharciga iyo Federaalisamka, Waxaana ka gacan siinaya Beesha Caalamka ee daneeya horu socodka Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan dhowaan wuxuu u safri doonaa Adis ababa, Ujeedka ugu wayn ee Safarkiisa waxaa ka mid ah in lagala hadlo sidii loo amba qaadi lahaa oo loogu guuleysan lahaa Qorshe adag oo 2016 lagu wajihi doono soo dhisida Baarlamaan tayo leh oo doorta Madaxweyne Soomaaliyeed.
Sida aan warka ku heyno Madaxweyne Xasan Shiikh qudhiisa dhowaan waxaa looga yeerayaa Adis ababa, wuxuuna la kulmi doonaa IGAD, sigaara wuxuu ula kulmi doonaa Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo dabcan, isna waxaa lagala hadlayaa Qorshihiisa 2016 ka iyo waxa u diyaarsan.
Warar kale oo aan fadhiyin oo puntlandi heleen balse Puntland aysan wali noo xaqiijin ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan Puntland ay iyana tagi doonaan Adis ababa halka Madaxweyne Gaas uu isna u safri doono Masar ama Kenya midkood.
Raysal Wasaare Cumar Cabdirshiid Danjire Nickolos Kay iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo fadhiya Nairobi ayaa iyana maalmaha soo socda kulamo yeelan doona waxayna kawada hadlayaan sidii loo wajihi lahaa Siyaasada Soomaaliya ee hiigsiga 2016 iyo Kaalmada Beesha Caalamka iyo barnaamijkii New Deal.
Safaradaas oo idil waxaa loo badinayaa Ramadaanka ka dib iney noqdaan.
Puntlandi
Nairobi