Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Maxaa Sababa Khasaaraha Ba’an Ee Ciidamada Puntland Kasoo Gaara Shilalka Gaadiidka?

$
0
0

medium_YMUze2Qk
Ugu horeyn, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhamaan ciidamada qalabka sida ee Puntland shilkii naxdinta lahaa ee maantey ka dhacay Buura-Wadal Gobalka Sool, waxaan sidoo kale u tacsiyeyn qoysaskii ay ciidamadu ka geeryoodeen iyo guud ahaan Shacabka Puntland, Waxaan rabbi uga baryin anigoo Sooman inuu intii dhimatey danbigooda dhaafo kana xoreeyo naarta.

Marka aan usoo dago Su’aasha ciwaanka u ah qoraalkayga, waxaan doonayaa inaan inyar dul istaago sababaha keena inta badan Shilalka Ciidamada Puntland kasoo gaara Shilalka Gaadiidka kuwaas oo soo batey.

Waxaan dul istaagayaa Ciidamada iyo Sida ay gawaaridoodu u socoto, Cadadka Ciidan ee gawaarida fuusha/Raacda iyo Khaladaadka dhaca. Saddex Arimood ayaana sabab u ah Shilalka guud ahaan.

 Xawaare sarreeya oo gawaarida lagu cayrsho, Waddo xumo iyo Xirfad yari darawal.

Xawaaraha Gaadiidka Ciidamadu ku socdaan oo ah mid xad dhaaf ah kaasi oo ay adag tahay in la xakameeyo marka wax deg deg ahi ku yimaadan sida God uu ku dhaco, Neef Xoolo ah oo wadda uga soo booda ama wadda oo uu ka baxo.

Waddooyinka oo burbursan waxay qayb ka yihiin shilalka gaadiidka ee inta badan dhaca, sida burburka ku samaysmay wadda laamiga ah, Calaamadaha wadooyinka oo aan inta badan wadooyinka ku oolin iyo digniino la’aanta meelaha kaymaha leh ee ay xooluhu ku badan yihiin.

Xamuulka Gawaarida la saaro oo xaf dhaaf ah, tusaale haddaan usoo qaato Ciidamada waxaynu mar walba aragnaa in gawaarida ciidamadu ay yihiin kuwo si xad dhaaf ah ciidamada loogu raro. Gawaarida Gaashaan ee Ciidamada sida Cabdi-bilaha qorigu saaran yahay mar walba waxaa saaran darsin ciidamo ah ( in ka badan 10 askari dusha sare oo kaliya) iyo Shirka oo ugu yaraan Saddex qof ama Afar qofi saaran tahay halkaas oo darawalku cariiri galo kuna adkaato inuu xakameyo mararka waxa deg deg ahi ku yimaadaan.

Xirfad yarida darawalku waa tan ugu weyn ee sababta shilka, waxaynu ognahay in darawalba intuu ka xirfad yar yahay darawalka kale inuu ka Xawaare badan yahay isagoo is bidaya inuu gaariga si fiican u bartey kuna tijaabinaya aqoontiisa darawalnimo xawaare sare inuu ku waddo kaas oo aysan macquul ahayn in wadooyinka Puntland ee burbursan aysan saamaxayn. Is tijaabintaas  waxay keentaa shilka marka uu darawalka xirfadda yari soo darso arin deg deg ah oo wadda uga hortimid taas oo uusan lahayn xirfad uu ku xakameeyo iyo isagoo marka horeba mashquul waxun ku ahaa oo aan daawanayn jidka uu ku soconayo ama laga yaabo inuu caajisay, hurdooday ama uu telefoon gacanta ah ku hadlaayey ama ku mashquuley waxyaabo kale sida dhagaysiga heesaha ama badbadalkooda.

Maxaa lagu yareyn karaa Shilalka Ciidamadda?

In Ciidamadu yeeshaan Xawaare go’an (Speed Limit) oo ay ku socdaan kaas oo ah mid la xakamayn karo marka wax deg deg ahi ku yimaadaan sida gaariga oo waddada ka baxa ama xoolo wadda uga soo boodeey amase taayir ka qarxey.

In laga yareeyo xamuulka gaarigu uusan qaadi karin, si looga hortago haddii shil yimaado inuusan noqon shil laga soo kabsan kari waayo sida kan maanta dhacay oo kale oo halmar 10 askari dhinteen taas oo aan u aanaynayo xamuulka xad dhaafka ah. waxaa laga yaabaa in gaariga maantey lagu baaba’ay uu yahay Cabdi-Bille qori saaran yahay (4f ama 3f) hadba sida loo yaqaan kaas oo ay saarnaayeen dhawr iyo toban Askari shirka iyo gurada, khali wareega qoriga saaran aya madaxa ka wada goynaya ciidanka ama ka tuurayaba gaariga marka shil yimaado.

In Taliyaha Hogaaminaya Ciidanka iyo Madaxa gaadiidku ay ka hor dhaqaaqa kolanyada Ciidanka u sheegaan darawalada inay ku socdaan Xawaare go’an, In ay hubiyaan saraakiishu in gawaaridu sidaan tiro yar oo loogu talagalay inay qaadi karaan, waana in lagu tabobaraa darawalada inay u hogaansamaan xawaaraha iyo tirada ciidan ee gaarigiisu qaadi karo. waxaa markas imanaysa in shilku yaraado haddii masuuliyad la iska saaro badbaadinta nafta ciidamada.

In ciidanka la nasiyo 5 Saacadood markii ay socdaanba oo ay ugu yaraan 30 daqiiqo iskala bixbixiyaan, haddii darawalo kale jiraana la badalo darawalka maadaama ay dhici karto inuu daalay oo uusan sii wadi karin gaariga. Waxaa kaloo muhiim ah in kor loo qaado xirfadda darawaladda Ciidamada loo la baro qaabka ay u socdaan ciidamada kolonyada ah ee Ciidamaddu, inaan marnaba la dhaafi karin xawaaraha ciidamada u go’an iyo inuusan darawalku aqbalin in shirka ay ciidan iska buuxshaan oo uusan ogolaan qof ka badan inuusan shirka kula wehelin haddii gaarigu hal shirr yahay haddii uu 2 shirre yahayna uu ogolaado 4 qof inay ku weheshaan shirka.

Arimahaas haddii ciidamada loo jaangooyo oo lagu tabobaro, waxaan qabaa inay yaraanayaan Shilalka joogtada ah oo ah khasaare naf iyo maalba leh oo Ciidankeena iyo Dowladeena, Shacabkeena iyo Qoysaska taabanaysa.

Ugu danbayntii, Waxaa mudan in muhiimadda la saaro badbaadada nafta bini aadamka ah, waa in dareewalku garto inuusan gaari kaxayn karin markii uu daalo, markii hurdo qabato uuna ogaysiiyo taliyihiisa inuu daaley oo uu u baahan yahay in laga badalo, arintaas waxay keenaysaa in darawalkaas badbaadshey naftiisa iyo ciidanka kale ee gaariga la saarnaa ee uu masuuliyadooda xanbaarsanaa. Haddii aad naftaada culays saarto waxay diidayso aadna ku dirqiso inaad gaariga sii waddo, waxaa imaanaysa in maskaxdaadu akhrin waydo dhibaatooyinka kaa horeeya sida inaad ilowdo ka qabashada gododka, dhimista xawaaraha ee jiirooyinka, ka istaagida baabuurta jidka ku xumaadey, ka istaagida dadka ama xooloha goynaya waddada, markaa waa in darawalada lagu tabobaro inay gartaan inaysan sii wadi karin ” Savety by choice not by Chance” badbaadadu waa inaysan fursad ku imaan ee ay ku timaado rabitaankaaga marka aad dareentey inay kaaga dhantahay inaa sii wado.

F.G: Saraakiisha hogaaminaya ciidankana waa inay masuuliyad iska saaraan in marwalba ay ciidanka u istaajiyaan nasasho, darawaladana la socdaan inay daaleen iyo in kale, waana inaan loo ogolaan darawalka qayrul masuulka ah inuu ciidan gaari u kaxeeyo.

Waxaan Fariintan Jeclaan lahaa inay gaarto Taliyeyaasha Ciidamada iyo Wasaaradda Amniga ee Puntland, si loo yareeyo dhibaatooyinka ciidamada soo gaara ee dhinaca shilalka gadiidkooda kuwaas oo mar walba soo badanaya ayna u danbaysay maanta kii ka dhacay Buura-Wadal..

W/Q: Cabdulqaadir Warsame Yuusuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles