Denmark waxay yeelatay Xukuumad cusub oo ah mid aysan ku faraxsaneyn ajnabigu, Xisboyada Xagjorka ah ayaa guulo weyn ka gaaray doorashadii Baarlamaanka Denmark oo maanta18.06.2015 loo dareeray.
Xisbiga Cunsuriga ee Xisbiga Shacabka Denmark (Dansk Folk parti) ayaa si lama filaana wuxuu ugaarey guul aad u wayn wuxuuna noqdey Xisbiga labaad ee Dalka ugu weyn, Wuxuuna dhaafey Xisbiga uu hogaansho ninka u sharaxan Raysal wasaaranimada oo ay isbaheysiga ahaayeen.
Maadaama Xisboga Xagjirka ay hada noqdeen Xisbi awood ka helay doorashada maanta waxaa laga Cabsi qabaa iney ku gorgortamaan iney iyagu qaataan Hogaanka sare ee Dalka.
Iskusoo duuboo Denmark waxaa hogaankeeda la wareegey Xisbiyada aadka ugasoo horjeeda Soo galootiga, Talaabada u horeysa ee ay qaadi doonaan waxay noqoneysaa iney Dalka ka saaraan kumayaal Qoxooti ah oo sharciga sugayya kuwasoo ku jira Xeryaha Qaxootiga.
Puntlandi.com
Denmark.