Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

‘Delivering as One’: The FGS, UN and Donor Community Launch New Joint Programmes through the SDRF

$
0
0

Press Releases

Mogadishu, 17 June 2015 – The Federal Government of Somalia, United Nations, and donor partners welcomed the signing today of six new Joint Programmes through the Somalia Development and Reconstruction Facility (SDRF), within the framework of the Somali New Deal Compact.

These joint programmes directly support the Peace-building and State-building Goals of the Somali Compact, and the key deliverables of the Government’s Vision 2016, with a specific focus on achieving results in the state formation process, constitutional review, electoral support, rule of law, youth employment, and institutional capacity development. The initiatives will in particular build a stronger civil service at Federal and State levels, support more effective delivery of justice services, and provide thousands of jobs for Somali youth. They will also support key deliverables in the Government’s Vision 2016, including the formation of new federal member states in the South and Central regions of Somalia, undertaking the review of the constitution, and building capacity of the country to deliver democratic electoral political processes.

The launch of these programmes within the framework of the SDRF reflects the strong commitment of the international community and the Government of Somalia to work as one in order to improve the lives of Somali women, men and children. “This is an important agreement which will strengthen the government institutions and it is also a milestone for the cooperation between Somalia and our international partners” said His Excellency Abdirahman Ali Aynte, Minister of Planning and International Cooperation.

The European Union, UK-DFID, Sweden, Norway, Denmark, and Italy have pledged more than USD 106 million over three years towards these priority programmes. “The signature of the new Joint Programmes is a major step in the New Deal Compact implementation. It will allow us to empower significantly the Federal Government and to support directly core state functions,” said Daria Fané, Head of Cooperation at the EU Delegation to Somalia

The six Joint Programmes are led by the Somali Government and implemented by UN partners including FAO, ILO, UNDP, UN-Habitat, UNICEF, UNODC, UNOPS, UNSOM and UN Women. The programmes will benefit all areas of the country, including Puntland and the newly emerging Federal Member states.  “The signing of these new programmes reflects our continued commitment to support Somali-led and Somali-owned priorities,” said Philippe Lazzarini, DSRSG. “Our collective focus now must be on accelerating delivery of tangible results to the Somali people, and in in translating these programmes into delivery in particular at the sub-federal level.”

It is the centrepiece of the UN’s support to a  Somali led and Somali owned transition towards peace and prosperity.

For more information, contact Ahmed Ainte, Director, ACU, ahmed.ainte@gmail.com; and/or Marc Jacquand, UN Resident Coordinator Office (RCO), marc.jacquand@one.un.org 

***********************

WAR SAXAAFADEED
‘Waxqabad Wadajir ah’: Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo deeqbixiyeyaasha caalamka ayaa daahfurey Barnaamijyo cusub oo si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan dhamaan xubnahaas iyadoo loo marayo Hanaanka Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya

Muqdisho, 17 June 2015 – Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, iyo deeqbixiyeyaasha ayaa  soo dhoweeyay saxiixa lixda  Barnaamij ee wadajirka ah iyada oo loo marayo Hanaanka Horumarinta  iyo Dibudhiska Soomaaliya (SDRF) kaas oo qeyb ka ah Heshiiska Hiigsiga Cusub (New Deal Compact).

Barnaamijyadan wadajirka waxay si toos ah u taageerayaan Ujeeddooyinka Nabadaynta iyo Dhismaha Qaranka ee Hiigsiga Cusub, iyo si loo gaaro yididiilooyinka waaweyn ee Barnaamijka Hiigsiga 2016 ee Dowladda, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saarayo in la gaaro natiijooyinka hanaanka dhisidda maamul goboleedyada, dib u eegidda dastuurka, teegeeridda dooroshooyinka, ku dhaqanka sharciga, shaqa abuurka dhalinta iyo hurumarinta tayada hay’adaha. Barnaamijyadani waxay si gaar ah u dhisi doonaan kartida shaqaalaha rayidka ah ee heer Federaal iyo heer maamul-goboleedba, waxay taagi doonaan bixinta adeeg cadaaaladeed oo waxtar leh, waxayna shaqo u abuuri doonaan kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah. Waxay sidoo kale taageeri doonaan hawlaha waaweyn ee ka midka ah waxqabadka Barnaamijka Hiigsiga Dowladda 2016, oo ay ka mid yihiin dhismaha dowlad goboleedyo cusub oo xubno ka ah federaalka ee laga dhiso Koonfurta iyo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, dib u eegid lagu sameeyo dastuurka, iyo tayo-dhiska dalka si uu u gaaro hanaan siyaasadeed oo doorasho dimuqraadi ah.

Daahfurka barnaamijyadan oo ka mid ah Hanaanka Horumarinta iyo Dibudhiska Soomaaliya (SDRF) wuxuu muujinayaa sida adag ee ay beesha caalamka iyo Dowladda Soomaaliya uga go’antahay inay iyagoo midaysan ooh al ah ka wada shaqeeyaan si loo horumariyo nolosha haweenka, ragga iyo carruurta Soomaaliyeed. “Kani waa heshiis muhim ah oo xoojin doonaa hay’adaha dowladda, sidoo kalena wuxuu guul aad u weyn u yahay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah”, ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cali Caynte, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Midowga Yurub, Waaxda Deeqda ee Dowladda Ingiriiska (DFID), Sweden, Norway, Denmark, iyo Talyaaniga ayaa ballanqaaday in ka badan 106 milyan oo doolarka Mareynakanka ah muddo saddex sanno ah si loogu taageero barnaamijyadan horumarineed ee mudnaanta leh. “Saxiixa Barnaamijyada cusub ee wadajirka ah waa tallaabo weyn oo loo qaaday hirgelinta Heshiiska Hiigsiga Cusub. Wuxuu noo saamaxayaa inaan si weyn u xoojino Dowladda Federaalka iyo inaan taageerno hawlaha dowladda xudunta u ah”, ayuu yiri Daria Fané, Madaxa Iskaashiga ee Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Lixda Barnaamij ee Wadajirka ah waxaa hoggaamineysa Dowladda Soomaaliya waxaana fulinaya hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka midka yihiin FAO, ILO, UNDP, UN-Habitat, UNICEF, UNODC, UNOPS, UNSOM iyo UN Women. Barnaamijyada waxaa ka faa’iideysan doona dhammaan goobaha/gobollada dalka, oo ay ku jiraan Puntland iyo Dowlad-Goboleedyada dhowaan dhismay ee xubnaha ka ah Federaalka. “Saxiixa barnaamijyadan cusub waxay ka tarjumaysaa sida ay nooga go’antahey inaan sii tageerno  hawlaha mudnaanta leh ee ay Soomaalidu hoggaanka u tahay, Soomaaliduna leedahay,” ayuu yiri Philippe Lazarrini, Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya (DSRSG). “Hadda waa inaan si wadajir ah diiradda u saarnaa si loo dardargaliyo in natiijooyin la taaban karo la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed, iyo in barnaamijyada waxqabad loo bedelo, gaar ahaan heerka ka hooseeya federaalka.”

Waa xuddunta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso qorshe kala guur ah oo ay Soomaali hogaamiso,  Soomaalina  leedahay oo lagu gaaro nabad iyo barwaaqo. 

Wixii faahfaahin dheeraad ah la xiriir Axmed Caynte, agaasimaha, ACU,ahmed.ainte@gmail.com; iyo/ama Marc Jacquand, Xafiiska Iskuduwha Qaramada Midoobay (RCO) marc.jacquand@one.un.org


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles