Markii labaad ayaa Ergadii Dowlada federaalku ka dhaga adeygeen iney saxiixaan heshiiskii ay la galeen Ergada Jubaland tasoo aad uga xanaajisey Dowladaha ku kala dhex jirey, Ergadu waxay Qiil ka dhigteen oo ugu weynaa inImage may be NSFW.
Clik here to view. Ereyga Aqoonsiga loo qore hab kale, Waxaa kaloo la isku qabtey Qodob ay maanta soo bandhigeen ergada Dowlada federaalka oo ah in Laba Wasiir la siiyo Ragii Dagaalka looga saari jirey Kismaayo oo ay kamid ahaayeen Baasto iyo Korneyl Bare, Arintaas waxaa si cad uga Xanaaqay intaan la gaarin Jubaland Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo sheegey inuu aamin sanaa in la heshiiyey, balse Qas uu meesha ka socdo, wuxuu wasiirku yiri isagoo la hadlaya Ergada Dowlada federaalka “Hadii uusan afkiina iyo dhagaihiinu ay ismaqleyn miis Dambe ma wada fariisaneyno, waa in loo wada hadlaa loona dhaqmaa sidii Dublamaasiyiin matalaya shacabka Soomaaliyeed”.
Ergada Jubaland waxay ku adkeysanayaan in ay diyaar u yihiin iney saxiixaan heshiiskii lawada gaarey, aysana wakhti dambe u hayn isjiid jiid iyo wakhti Lumis Dambe, iyagoo hoosta ka xariiqey in arinta maanta dhacdey ay tahay balan bixii labaad oo Dowladu sameyso, beesha Caalamkuna markhaati ka tahay.
Warar Dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen Waxay sheegayaan in Itoobiya ay si cad cadaadis u saareyso Qolada Villa Soomaaliya ayna ka saxiixayso heshiiskii ay Xalay gaareen.
Puntlandi.com
Garowe