Xalay oo taariikhdu ahayd 23 Ogoosto,2013 waxaa Adis ababa lagu wada gaarey Heshiis dhexmarara Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Jubaland, sida ay Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi wararka ku heleen Dowlada Federaalku waxay si buuxda u aqoonsatey Maamulka Axmed Madoobe, inkastoo Aqoonsigaas uu yimid markii is qabqabsi dheer hareeyey Wadahadalka ka dibna ay beesha Caalamka faragalin toosa sameysey.
Ergada Matalaysa Dowlada Federaalku waxaa si wayn looga dareemayaa iney jirto Cabsi ka baxsan Adis ababa , waxay dhowr jeer soo jeediyeen oo yiraahdeen, Jubaland sida ay hada tahay waan ku aqoon sanahay lakiin aan siyaabo kale u qoro ereyga Aqoonsiga marka heshiiska la qorayo,taasi waxay muujineysaa oo cad inuu jiro cadaadis ay ka cabsi qabaan Ergada Federaalku, kaasi oo lagu qancinayo Dad kale iyadoo xaqiiqda iyo nuxurka Heshiiska la qarinayo in la ogaado.
Ergada Jubaland waxay si cad u diideen in loo Qore heshiiska si ka baxsan sida lagu heshiiyey, Goob jogayaasha ka socda IGAD waxay ku taageereen Ergada Jubaland.
Wali si rasmi ah looma saxiixin heshiiska lakiin waxaa Qodobadii ugu muhiimsanaa lagawada gaarey Heshiis rasmi ah.
Puntlandi.com
Adis Abeba