Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wafdi Balaaran oo Madaxweyne faroole hogaaminayo ayaa u duuley Nairobi

$
0
0


Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. cabdiraxmaan Sheikh Maxamed faroole iyo Wafdi uu hogaaminaya ayaa maanta u duuley Nairobi Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa Casumaad rasmi ah wuxuu ka heley Midowga Yurub wuxuuna Nairobi uga qayb gali doonaa kulan Muhiim ah oo looga hadlayo Arimaha Soomaaliya dhexmarini doona Masuuliyiin ka socda Midowga Yurub iyo Madaxweynaha Puntland.

Waxaa kaloo Madaxweynaha Weheliya Wafdi Wasiiro ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha Axmed Cabdullahi Ilka Jiir, iyo Wasiirka Amniga Khaliif ciise Mudan kuwasoo si gaara iyana Nairobi uga qayb gali doona shir gaara oo looga hadlayo iskaashiga xagga amaanka iyo nabadgalyada ee Mandaqada Geeska afrika.
Faahfaahinta safarka Madaxweynaha kala soco Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles