Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad dheer wuxuu u jeediyey Midanayaasha Puntland oo uu masnta u furay Kalfadhigoodii 35aad.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn wuxuu ka warbixiyey Waxqabadka Xukuumada iyo ajandayaasha horyaal Mustaqbalka.
Madaxweynuhu kama uusan hadal Isbadal la sheegayo inuu ku sameynayo Xukuumada balse wuxuu ka hadlay Sida uu u muuqdo mustaqbalka Soomaaliya oo uu ku dheeraadey feraalka oo wali ay jiraan shaqsiyaad farafareynaya tasoo uu Madaxweynuhu ka digey.