Hooyooyinka Bosaso oo gacmaha heysya caruurtooda gacmana ku sida cuno karsan ayaa Dekada uga hortagay Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo qaxay Yemen.
Sawirkaan hoose waa Gabar 10 jir ah oo la socotey hooyadeed oo u timid Xerada Qaxootiga Soo dhaweynta Qaxootiga, Sidaad aragtaan Gabadhii yareyd iyana dhankeedey kasoo dhaweysey Qaxootiga oo waxay gacanta soo qabatay Ilma yar oo lagasoo dajiyey Markabka.
Sawirkaan hoosana waa mid ka mid ah Shaqaalaha Dekada Bosaso oo shaqadiisii u joojiyey inuu soo xamaalo waayeelka iyo Caruurta kasoo qaxay Yemen
Dowlada Puntland waxay u xilsaartey soo dhaweynta Qaxootiga Gudi gaara oo u adan Culumo.
Hadaad dooneyso inaad ka qaybqaadato soo dhaweynta Walaalaha Soomaaliyeed riix sawirkaan hoose, Waa sadaqo la hubo iney gaarayso Dadkaas dhibaatada kasoo qaxay.
.