Shacabka iyo Dowlada Puntland ayaa u kala harin waajibaadka Qaran iyo Bini’aadanimo ee ka saaran soo dhaweynta iyo xanaaneynta dadkaa walaalahooda ee kasoo Qaxaya colaada Yemen
Shalay galab Waxaa La sagootiyey 340 Qof oo loo jiscimey dhinacaas iyo Hargeysa, kuwasoo iyagoo nastey oo faraxsan lana siiyey dhaqaale ay jidka kusii maraan ay ka ambabaxeen magaalada Boosaaso ee Puntland.
Inkastoo isku si loo soo dhaweeyey Labadaan qaybood oo kala ahaa Dadka Soomaaliyeed iyo Dad ajnabiga ah, Hadana Soomaalida waxay ahaayeen Dad Dalkoodii yimid oo Waxay heleen soo dhaweyn gaara, Waxaad arkeysaa Hooyooyin Soomaaliyeed oo markey Markabka kasoo dageen bilaabayaan iney nastaan waayo Caruurtoodii waxaan Durba xanaaneyn ku bilaabayay Shacabka Soomaaliyeed ee Dekade ku oo dhaweeyey.
Guddiga u xilsaaraa soo dhaweynta Qoxootiga ayaa iyana dhinacooda ka bilaabay Diiwaan galinta Shacabkaas Soomaaliyeed si Qoyskii raba iney usii gudbaan Ehelkooda ku nool deegaanada kale ee Soomaaliya loogu suurto galiyo.
Waxaana Xusid Mudane Qaxootigaas Soomaaliyeed isku si ayaa loo soo dhaweeyey haka yimaado asal meeshuu doonee, Burco , Garowe,Bosaso, Xamar ama Baydhabo,
Ganacsatada Puntland, Qurba joogta, Shacabka iyo culumada ayaa dhinaca kale wada ururun dhaqaale oo lagu taakuleynayo Qaxootigaas.
Magaalada Garowe waxaa maalin qura laga aruriyey Labaatan iyo kow kun oo Dollar (20.000),Gaalkacyo haday wali wadaan lacag ururinta.
Xasuusi wali Puntland masoo gaarin hal shilin oo ka yimid beesha caalamka iyo Dowlada Federaalka.