Jiiftadaan waxaan miraheedda iska leh Mahad Xirsi (Camal)
Waxuuna ugu barroor diidqay Xildhibaan Dirir oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo 9.5.2015
Ina Dirir ayaa diley? Ma dadkaa la laayiyo? Xil-kas baa la dagayaa?
Ma waxgarad ayaa dugey?
Ina Dirir miyuu degey ?
Oo iilka loo diray? Dalmar aan su’aalee
Yaa daalinoo qaba?
Dhiigaa la daadshiyo
Dacartaa la qooshiyo
Dummadooda yay tahay?
Yaa doonyo-qaad u ah?
Dawladi ma talisaa?
Mise waa daleel maran?
Galkacyoo dugaalkiyo
Dadnimadii mamaratay
Duqaydii ma ciidmaan?
Dumarkiyo caruurtii
Cidi maw dadaashaa?
Dibad joog haddaan nahay
Qurbihii ku daalnoo
Dal-tabyaa na haysee
Ma so degi karaynaa?
Mise duur-xulkaan nahay?
Dani idinkama haysaba?
Mana jiro dugaalkii?
Mise waa dagaal kale?
Qof kastiyo dubaaxdii?
Iyo daw-gal nololeed?
Dunji iyo wanaag iyo
Isu diir-nax baan jirin?