Zedi Feruzi oo ahaa madaxa Xisbiga the Union for Peace and Development (UPD) oo ah Xisbiga mucaaradka Brundi ayaa shalay lagu diley Caasimada dalkaas.
Dilka hogaamiyaha mucaaradka oo ay fuliyeen dad aan la garaneyn ayaa loo badinayaa inuu ah dil Siyaasadeed tasoo sare u qaadey xiisada Siyaasadeed ee ka jirta Dalka Brundi.
Madaxweynaha Burundi wuxuu sheegey inuu ka xinyahay Dilka hogaamiyaha Mucaaradka, wuxuuna iska fogeeyey inuu wax lug ah ku lahaa dilkaas.
Waxaa hada socda baaritaan la xiriira cida ka dambeysay Dilka Mr.Zedi oo dhowr xabadood lagu dhuftey.
www.puntlandi.com.