Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka tacsiyeeyey Dilkii Xildhibaan Dirir oo Muqdisho lagu diley

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Yuusuf Dirir oo maanta 23.05.2015 ay Muqdisho ku dileen kooxo hubeysan.

Warsaxaafadeed tacsi ah oo kasoo baxay Xafiiska madaxweynaha ayaa u qoraa sidaan

Madaxweyne Xasan“ Xildhibaan Yusuf Dirir wuxuu ahaa howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho, 23, May, 2015-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ilaaheey uga baryay in Xildhibaan Yusuf Dirir oo naxariistii Janno ka waraabiyo. Qoyska marxuumka, eheladiisa iyo Baarlamaanka Soomaaliyana wuxuu u rajeeyay in Ilaah ka siiyo Samir iyo iimaa.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Xildhibaan Yusuf Dirir Cabdi Allaah ha u naxariisto Jannadii Fardowsana Alle ha ka waraabiyo Marxuumka, samir iyo iimaan Allaah ha ka siiyo ehaladda, qaraabada, Baarlmaanka iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed“

“Xildhibaanku waxa uu ahaa howl-kar oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed isla markaana dowladnimada aad u jecelaa.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha ayaa amar ku siiyey hey’adaha ammaanka ee ku shaqada leh ka hortaga iyo dabal-galka falalka noocaan oo in ay si deg deg ah baaritaan ugu sameeyaan dhagar-qabayaasha fuliyey falkaan.

“Waxaan ku kalsoonahay in ciidamadda ammaanku ay gacanta ku soo dhigi doonaan dhagar-qabayaasha dhuumaaleysanaya ee falkaan fuliyey, waxa ayna wajihi doonaan cadaaladda sidii kuwii la midka ahaa ee gacanta lagu soo dhigay sharcigana la marsiiyey“ ayuu madaxweynaha hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey.

Xildhibaan Yusuf Dirir iyo muwaaddin ay wada soceen galabta ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dhammaad.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles