Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xildhibaan Abdi barre Yusuf Jabriil oo booqday Somalida sharci la’aanta ah ee ku nool Amsterdam.(Sawirro)

$
0
0

Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jabriil oo ka tirsan Xildhibaanada Gollaha Shacabka Soomaaliyeed iyo Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Amsterdam (Somvao) ayaa maantya Booqday xarrunta ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee dalka holland u diiday dib-dajinta.

Ugu horrayn waxaa hadalka soo dhaweyn iyo duco ah ka jeediyey Cabdilaahi Warsame oo ka tirsan dadka ku nool xarunta Qaxootiga ee Amsterdam,isagoo yiri”Xildhibaan Waa ku mahadsan tahay imaanshaha aad noo timid iyo waliba sida aad noogu soo booqatay meesha aan ku noolnahay.

Af-hayeen ka qaxootiga Soomaaliyeed Ahmed Aadan Weheliye (bariise) ayaa isna ka war-bixiyey xaalada qaxootiga ku nool guud ahaan dalka Nederlands iyo kuwa aad maantay la joogtaan,wuxuu yiri” Mudane Xildhibaane dadkaan waa dadkii aad Kitaab ka u Martay in aad ka shaqeyso Sharaftooda iyo Karaamadooda,waana u jeedaa maantay meesha ay ku nool yihiin iyo sida ay yihiin,wuxuuna hadalka sii raacshay,Mudane Xildhibaan maantay dadkaan waxaa wax u qaban kara waa Wasaaradda arrimaha dibada oo cadaysa siyaasadeeda ku aadan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dacan daafaha caalamka.

Marwo Saafi Mohamed Cabdullaahi oo Goobta ka hadashay ayaa ka sheekaysay dhibta ay kala kullantay dalkaan,ayna sheegtay in ay caruurteedii iyo Famil-keedii 6 sanno soo moogtahay,waxayna sheegtay in ay tahay Hooyo aan ilmaheedii arag wakhtigaas,marka Xildhibaane waa dareemi kartaa.waxay kaloo carro baabtay in ay ku lug-lee yihiin dad soomaaliyeed in hellaan sharci ama dabu dajin.waxayna sheegtay in dad qandaraas ku soo qaatay.arrintaana looga bahan yahay in baarlamaan ku cadeeyo.

Gar-yaqaan Muse Xirsi oo ka socday Jaaliyada Soomaaliyeed ee Amsterdam (Somvao) isla markaasna ah shaqsi wax badan u dhuun dalaala ayaa isna sheegay in waxaas oo dhan looga gudbi karo ay tahay in aan isku duubnaano,Isla markaasna aan Albaab kasta garaacno,anaga oo kala ah Jaaliyadaha,dowladeena oo maantay ina kala joogo Xildhibaan ku.

Xildhibaan Cabdibare ayaa dhankiisa cadeeyey in uu aad uga xun yahay arrintaan meesha maantay ka muuqata,isagoo hal mar dareenkiisu is badalay,wuxuuna yiri” in la ii sharaxo ama la ii waramo xaalkaan maba u bahana waayo waa u jeedaa wax kasta oo meeshaan ka jira iyo waliba sida aad u nooshihiin.

”’Waxaa war bixin igu filan aragiina iyo goobta aad ku nooshihiin,waxaan hortiina ka cadaynayaa in aysan jirin wax Baarlamaanku ka war hayo oo ah in qaxootiga la soo celiyo,taasina waxay ku tusaysaa in ay jiraan DULAALIIN Soomaaliyeed labada dhan ba ka jira,waxaana isaga qaban karnaa inaga oo iska war qabna,waxaan kaloo hortiina ka ballan qadayaa in aan fartiin-tiina aan Baarlamaanka soomaaliyeed hor-geeyo,inta ka horaysana aan la xariiro meel kasta oo aan u qaylo dhaamin karo.Sidoo kale xildhibaan ka ayaa Somalida kula dar-daarmay in ay u gurmadaan walalhooda soomaaliyeed. Hadda waxaan soo maray Jaaliyadda SOMVAO runtii waa ku farxay,Xildhibaan barre ayaa hadalkiisa ku soo afmeeraty.

Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jabriil ayaa noqonayaa Xildhibaan kii ugu Horreeyey ee booqda dad Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Nederlands.sidoo kalana ka ballan qaaday in uu la qaybsan doono dhibka soo gaaray.
IMG_9388

IMG_9393

IMG_9401

IMG_9413

IMG_9415

IMG_9421

IMG_9422

IMG_9429

IMG_9436

IMG_9437

IMG_9440

IMG_9441

IMG_9446

IMG_9453

IMG_9455

IMG_9456

IMG_9468

IMG_9476

IMG_9491

IMG_9514

IMG_9520

IMG_9523


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles