Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa Booqday Qoyska uu kabaxeen Rabi Naxariisii Jano hasiiyee Xildhibaan Saciid Xuseen Nuur Dirir & Cabdinuur Faarax Nuur Dirir oo Koox Hubaysan Gaalkacyo ku dileen 08 Bishaan May xili ay kasoo Baxeen Masjidka Abuuhurayra.
Islaan Bashiir ayaa la kulmay Marka uu tagay Guriga AUN Xildhibaan Saciid Ehelada Marxuunka oo ay ugu horeeyeen Xaaskiisii iyo Caruur uu dhalay & Walaalihiis.
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa Ehelada uga Tacsiyeeyay Geeridii Naxdinta lahayd ee Xildhibaanka iyo Walaakiis.
Ugu dambayntii Islaan Bashiir ayaa rabi uga baryay Ehelka Marxuumiinta inuu Samir iyo Iimaan kaasiiyo Geerida Xildhibaan Saciid Xuseen Nuur Diriri & Cabdinuur Faarax Nuur Dirir.