Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Faahfaahin+Dhagayso) Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay Go’aanka ay Puntland ka qaadatay Gudiyada ay magacowday DF

$
0
0

CamayDawladda Puntland waxaa ay si buuxda u qaadacday ansixinta iyo magacaabista gudiyada Doorashooyinka , Adeega Garsoorka , Xuduudaha  iyo Federaalka oo ay magacowday Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo warbaahinta qeybaheeda kala duwan kula hadlay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya jebiyeen qodob dastuuri ah kaasi oo dhigaya in dawladaha xubnaha ka ah federaalka latashiyo lagala sameeyo magacaabista gudiyadaas.

Madaxweyne Camey waxaa uu sidookale qiray in dawaldda federaalka Soomaaliya xad gudub ku samaysay hashiisyadii ay Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah ku gaareen Puntland, kaasi oo qodob kamid ah uu dhigayey in gudiyada lasamaynayo lagala tashado dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Hoos ka dhagayso Codka;-

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles