Mas’uuliyiin ka socda Wasaarada Arimaha Dibada Talyaaniga ayaa si diiran usoo dhaweeyey Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xigeenka Jubaland Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag.
Madaxweyne Xigeenka oo uu weheliyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubaland Cabdiqani Cabdi Jamac,ayaa maanta waxay soo gaareen Dalka Talyaaniga halkasoo ay uga qayb galayaan Shir muhiim ah, Shirkasoo Soomaaliya laga casumey Dawladaha Puntland iyo Jubaland.