Ka dib Xafladii balaarneyd ee shalay galab (Axad 19.04.2015) uu la qaatey Xildhibaan Cabdi Bare Yusuf Jaaliyada Soomaaliyeed ee Caasimada labaad Wadanka Denmark magaalada Aarhus ayuu isla xalay wuxuu Xildhibaanku kulan gaara ah oo casho iyo Xogwaran ah la qaatey Masuuliyiinta, waxgaradka, dhalinyarada iyo Odoyaasha Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga Denmark, Magaalada Aarhus.
Jaaliyada Puntland ee Magaalada Waqooyiga Denmark (Aarhus) oo iskusoo dubaridey kulankii uu Xildhibaanku la qaatey Jaaliyada Soomaaliyeed ayaa isna soo diyaarisey kulankaan uu Xildhibaan Cabdibare kula kulmey Jaaliyada Puntland iyadoo Xubnaha bulshada ee Jaaliyada lagasoo xuley dad gaara oo matalaya, waxaa iyana goobjoog ahaa Gudiga Jaaliyada oo howshana daadihinayay.
Gudoomiyaha Jaaliyada Siciid Dhimbil oo la hadley Puntlandi ayaa sheegey in kulankaan uu ujeedkiisu ahaa in Xildhibaanku uu la kulmo qaybaha bulshada ee Jaaliyada si uu uga xogwaramo Xaalada Soomaaliya iyadoo xubnuhuna ay su’aalo waydiiyeen Xildhibaanka, wuxuuna Gudoomiyhu ka cudu daartey in kulanka oo degdeg ahaa ay saamixi waydey in Xildhibaanku uu la kulmo guud ahaan Jaaliyada, taas badalkeedana ay Jaaliyadu soo qaban qaabisey Barnaamij Casho ah oo kooban.
Sawirada hoos ka daawo
Xildhibaan Cabdi Bare iyo Gudooamiyaha Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga Denmark(Aahus iyo nawaaxigeeda)
Xildhibaanka iyo Gudiga Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga Denmark (Aaarhus iyo nawaaxigeeda)