Ciidamada Dowlada Fedraaalka ayaa ku fashilmey iney soo afmeeraan werarkii socdey ku dhowaad 7 saacadood.
Galabta 5:25 galabnimo shalay 27 maarso ayaa kooxo hubeysan ay qabsadeen Hotel Maka Almukarama, Kuwasoo markii hore Hotelka gaari ku qarxiyey kadibna ay orad kusoo galeen Hotelka.
Xiliga weerarku dhacayay waxaa Hotelka ka socdey Shir, waxaana ku sugnaa Masuuliyiin u badan Dublamaasiyiin.
Ciidanka Dowlada ayaa is wareejiyey Hotelka waxaana xiligaas hotelka gudihiisa lagu heystey ku dhowaad 80 Qof.
Xalay oo idil qaraxyo iyo rasaas ayaa xaafada hirqiyey.
Abaarihii 10kii fiidnimo caawa saacada Muqdisho ayaa kadib Ciidanka Amisom aysoo gaareen goobta kuwasoo Xoog ku galay Hotelka.
Qayb kamid ah Hotelka ayaysan ciidanka Amisom galin qaybtaasoo Dad rayid ah lagu heystay, Saaka ayaana si buuxda loosoo afmeeray hotelka.
Goobjoogayaal ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in ay Ciidanka Dowlada Federaalku ku hungoobeen iney soo afjaraan Weerarka, Waxaana goobta markii dambe soo gaaray Ciidanka Amisom kuwasoo saacad gudeheed ku sifeeyey qayb ka mid ah Hotelkii soona badbasdshey Dad badan.
Warsaxaafadeed uu Madaxweyne Xasan Sheikh kasoo direy Dalka Masar xalay abaarihii 23:00 (11Fiidnimo) ayaa lagu bogaadiyey Ciidanka Dowlada Federaalka.
Dadku ku geeriyoodey Hotelka galabnimadii hore Waxaa kamid ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Xafiiska Qaramada Midoobey ee Switzerland Alla ha u naxariistee Yuusuf Ismaaciil Bari bari iyo Gabar Ka timid Maraykanka oo u shaqayneysay Bangiga dhexe ee Muqdisho.
Sida Puntlandi wwrka ku heleen Saaka dhimashadu waxay maaraysay 15 qof inta la hubo waase ka badan yihiin.
Qurba joog badan ayaa kamid ahaa Dadkii kabadbaadey weerarka.
Puntlandi.com
Muqdisho