Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Hotel Maka Almukarama oo qarixii kadib ay Maleeshiyadii qarxisey la wareegtey, Ciidan ku wareegsan Hotelka

$
0
0

breaking nesWararka aan hada ka helayno Hotel Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisgo waxay sheegayaan in Maleeshiyo loo badinayo iney Al-shabaab yihiin ay Hotelka la wareegeen.

Goor dhaweyd ayaa qarax lala beegsadey Hotelka kadibna waxaa gudaha ugalay Maleeshiyo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn, Waxaana hada soo gaaray goobta Ciidan hubeysan oo gadaal iyo horey ka jooga Hotelka kuwasoo isu diyaarinaya iney gudaha ugalaan Hotelka.

Xaalada Dadkii Hptelka deganaa ilaa hada war lagama hayo.

Baabuur hubeysan oo loo badinayo inuu wadey Qof naftii halige ah ayaa Hotelka lagu qarxiyey markii hore kadibna koox hubeysan ayaa daqiiqado kadib la wareegey Hotelka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa Puntlandi u Xaqiijiyey in Ciidan dheeraada loo direy Hotelka taasoo xaqiijineysa in Kooxdii hubeysneyd ay wali heystaan Hotelka.

Pubtlandi kala soco wixii soo kordha.

Puntlandi
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles