Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

RW. Ku xigeenka oo ka tacsiyeeyey geerida ku timid xildhiban Xaaji Cabdi Yare

$
0
0

Muqdisho, 12, Feb, 2015….Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed Cali oo xalay ku geeriyooday magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo howlo caafimaad u joogay usbuucyadii la soo dhaafay.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Ra’iisul Wasaaraha, kan xukuumadda, iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan halkaan tacsi uga dirayaa Xildhibaanda Baarlamaanka, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Xaaji Cabdi Yare oo ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaala magaalada Mombasa, waxaana ilaahay uga baryayaa inuu qabriga u waasiciyo, janadiisana ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo dhamaan intii jeclayd”

Marxuumka ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray, wuxuuna xildhibaan ahaa tobankii sano ee ugu danbeeyey, waxaana lagu xasuusanayaa arimaha dib u heshiisinta kaalintii muuqatay ee uu ka soo qaatay xiliyadii ay ka socdeen dagaalada sokeeye gobolada Jubooyinka.

—DHAMAAD—


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles