Boqor Burhan Boqor Muuse ayaa gaaray magaalada London ee carriga dalka Britain, wafdiga Boqorka oo ay ka mid ahaayeen 4 xubnood ayaa kasoo safray dalka Sweden.
Boqor Burhan oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa qaarada Yurub ayaa lugtii ugu dambeeysay ee socdaalkiisa Yurub ku jooga Britain.
Waxgarad, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo dadweyne kale ayaa boqor Burhan Boqor Muuse garoonka caalamiga ee Heathrow ku soo dhoweeyey.
Boqorka ayaa maalinimada Jimcaha hadal u jeedin doona Soomalida ku dhaqan magaalada London, wuxuuna maalinimada Khamiista iyo arbacadana kulamo la qaadan doonaa madax ka tirsan dalkan ingiriiska, wuxuuna booqan doonaa oo warbixin ku saabsan xaalada Somalia ka jeedin doonaa machadka daraasaadka caalamiga ah ee Chatham House oo ay madaxda aduunyadu booqdaan mararka ay tagaan magaalada London.