Muqdisho–4 Feb.2015–Pi– Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Nickolas Kay ayaa maanta isagoo ku sugan Xarunta Xalane wuxuu si toosa Video Telefoon ugu gudbin doonaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey Warbixin ku saabsan Xaalada Siyaasada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan Xaalada Soomaaliya.
Xubnaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa iyagoo ku sugan Xaruntooda New York waxay khadka teleefoonka la iska arko ay khudbada uga dhagaysanayaan Mr.Kay oo ku sugan Muqdisho waxaana la filayaa inuu Ka hadlo isbadalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo ladagaalanka Al- shabaab meesha uu marayo.
Warbixintaan uu gudbinayo Mudane Kay ayaa kusoo aadeysa xili ay maanta Muqdisho isugu tageen Madaxweynayaasha Sadexda Maamul Goboleed ee Soomaaliya kuwasoo iyana ka arinsanaya Xaalada qalafsan ee ay Dowlada Federaalku ku sugan tahay.
Kala soco Puntlandi.com khudbada mudane Kay.
puntlandi.com
Muqdisho