Warar Rasmi ah oo nasoo gaarey ayaa xaqiijinaya in dhamaan dadkii lagu Toogtay Muqdisho ay ahaayeen Beelaha Raxanweyn iyo Beelaha dega Shabeelooyinka, halka Beeaha kale ee Koonfurta Dega Xabsiyada laga siidaayo, hadii xitaa ay dil cad geystaan ama ay al-shabaab yihiin.
Ciidamada Dowlada ayaa caadeystey in toogasho deg deg ah lagu fuliyo ninkii aan ahayn Beelaha Tunka weyn waa dhinaca Muqdishee, halkaa Jareerwayn iyo Raxanweyn si deg deg ah intii Maxkamad loo saaro, hadana markiiba tiirka loo geeyo, Badanaa waxaa la toogtaa Askarigii dila askari ka tirsan Beelaha awooda ku leh Muqdisho.
Cadaaladarada halkaas ka jirta waxaa si toosa Wax uga og Villa Soomaaliya sida naloo xaqiijiyey, mana jiro masuul ilaa hada xil iska saarey inuu Wax ka qabto.
Halkaan hoose ka dhagayso Mid kamid ah Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlaya nin al-shabaab ka tirsanaa oo intii Madaxtooyada la keeney ka dibna la siid aayey saacado ka dib, isla waxyar ka dibna waxaa la diley ninkii soo qabtey oo ahaa Ninka tirsan Nabad sugida una dhashey Beelasha Raxanweyn, dilka ninkaas Wax baaritaan ah laguma sameyn.
Dhinaca kale Dadka Dadka Toogta ayaa la xaqiijiyey iney yihiin Maleeshiyo la ciidameeyey oo hal beel ah, kuwasoo ah Rag lasoo xuley.