Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dugsi Casri Ah Oo Adoo Jooga Gurigaaga Aad Ku Baranaysid Qur’aanka Kariimka Ah Iyo Culuumtiisa Oo Laguu Furay.

$
0
0

Waxaa magaalada Hargaysa laga Furay Machadka Caalamul Quraan oo ah
Macahad Casri ah laguna Baran doono wax kasta oo ku aadan aqoon Guud
iyo Mid Diini ah.

Caalamulquraan waa Shabakad aad ka baran karto cilmiga diinta adiga oo
jooga gurigaaga xafiiskaga, waxna ay ka dhigan karaan caruur iyo
waayeelba.Machadkan Caalamul Quraan waa machad ka howl gala guud
ahaanba Caalamka oo dhan meel kasta oo ay joogaan ama ku nool yihiin
Soomaalidu .

Waxaa wax ka dhigaya mahcadka Macalimiinn soomaaliyeed oo aqoon buuxda
u leh diinta islaamka Iyo casharada ay Bixinayaan, waxaana
macalimiintaas ka Muuqata khibrad iyo waayo argnimo ay u leeyihiin
sida dadka wax loo fahamsiiyo.

Maamulaha Guud ee Machadka Caalamulquraan ayaan mar aanu wax ka
waydiinay arintaas, waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ee jooga
Qurbaha una baahan in ay wax ka bartaan Macluumaadka ku aadan Diinta
Axaadiista, Quraanka iyo Sunada Rasuulka ay ku baro doonaan si online
ah ( Maqal iyo Muuqaal ah ) oo lagu baranayo Quraanka kariimka ah,
barashada luuqada carabiga iyo higaada, barashada axaadiista nabiga.

“ Machad waxa uu ka ka howl gala guud ahaanba Caalamka oo dhan meel
kasta oo ay joogaan ama ku nool yihiin Soomaalida, waxaana Diyaar u
yahay in Caruurta dadka waawayn iyo dhalinyarada aan ku barno meel
kasta oo ay joogaan oo ah Online”ayuu yidhi Maamulka oo la hadlayay
Warbaahinta .

Waxa uu sheegay Maamulku in ay arintaan muhiim u tahay Soomaalida
dagan caalamka kuwa aan soo gadhi Karin Xarumahooda maadaama
Teknolijiyada (‘Internetka’) hada wax lagu barto.

Waxa uu sheegay maamulaha Hadaad rabto in aad is qorto Machadka ama
aad tijaabisid waxaad u baahantahay: – Computer – Internet –
Microphone ama sameecad -. marka aad soo diyaar-garoowdo fadlan kala
soo xidhiidh Tilifoonada hoos ku Qoran

Sidoo kale arintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay Bulshada Soomaaliyeed,
iyagoo sheegay in wax badan ay u soo kordhinDoonto arintani .

Machadka Caalamulquraan ayaa waxa uu Noqonayaa machadkii ugu waynaa
ee sidaan oo kale Arday ka bartaan macluumaad ku aadan Aqoonta diinta
oo laga Furo magaalada Hargaysa ee Somaliland.

Free linka: Free Call:0012183667105
Telefoon 00252634121553
Skype: caalamul.quraan.
Emailka caalamulquraan@hotmail.com
Facebook: caalamulquraanWebsite: caalamulquraan.com.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles