Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News— Ciidamada Puntland oo howlgal culus ka fuliyey Buuraha Galgala

$
0
0

breaking nesCiidamada Puntland ayaa howlgalkii ugu cuslaa ka fuliyey Buuraha Galgala, sida uu wararka ku helayo Warsidaha Puntlandi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in  Howlgalkaan uu  socday todobaadyadii ugu dambeeyay,kaasi oo qayb ka ah hawlgalada Ciidamadu ay ka wadaan Buuragayda Galgala.

Ciidanka Puntland waxay bartilmaamadeysteen oo saaka werar ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka oo ka mid ah meelaha ay haraagoodu ku dhuumaalaysanayeen, Saldhigaan oo lagu magacaabo Bali Dharkeynle.

Sida ay Puntlandi warka ku heleen waxaa Ciidanka ka geeriyoodey 2 askari, Shabaab waxaa laga diley 7.

Ciidanku way ka gaabsadeen iney Shaaciyeen warar intaas dhaafsan balse sida Puntlandi warka ku hayaan Ciidanku waxay gacanta ku dhigeen deegaano ay ku dhuumaalaysanayeen  oo ku yaala Buuralayda Galgala.

wixii soo kordha kala soco Puntlandi

Puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles