Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegey in xanibaad lagusoo rogay isticmaalka Biyaha Ceelasha Xaafada Jungal ee Degmada Yaaqshid kadib markii laga shakiyey in Biyaha Ceelashaas ay sumaysan yihiin ayna sabab u ahaayeen Shuban biyood ay Dad badan u dhinteen oo Xaafada ka dilaacey maalinamadii doraad.
Gudoomiye Muungaab wuxuu sheegey in Baaritaan uu socdo, Ceelashana loo xanibay si loo xakameeyo cudurkaan dilaaga ah ee Xaafada ka dilaacey.
Shalay waxaa shuban biyoodka u geeriyoodey 8 Qof kontomeeyana waxay yaalaan Isbitaalada, Waxaana loo badinayaa in cudurku uu ka dilaacey biyo ay dadku cabeen.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu sheegey in Dadka waxyeeladu gaartey ay halceel ka biyo cabeen, waana dhici kartaa in uu jiro Jeermis biyaha ka dhashey laakiin baaritaan ayaa socda, ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.
Dhinaca kalena Hay’adaha Caafimaadka ee Gobolka Banaadir ayaa gargaar degdeg ah u fidiyey Qoysaska ku sumoobey Biyahaan.
Puntlandi.com
Muqdisho