Hay’ada Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn MSF ayaa shaaca ka qaadey iney isaga baxayaan Guud ahaan Soomaaliya ka dib dhibaatooyin baaxad leh oo loogu geystey Koonfurta Soomaaliya, waxaana arintaas ka caroodey Pubtland oo sheegtey in MSF ay Puntland ku joogeen nabad galyo balse dhibaatooyinka ka dhacey koonfurta Soomaaliya iney saameyn ku yeeshaan Puntland aad ayay Puntland uga Xumaatey, waxayna Dowlada Puntland warsaxaafadeed kasoo saarayaan warka kasoo yeerey MSF.
MSF dhibaatooyin baaxad leh ayaa loogu geystey Koonfurta Soomaaliya, waxaa Muqdiaho lagu diley Haweyney ka tirsaneyt Hay’ada, Ninkii Diley waxaa lagu xukumay Muqdisho Xabsi dheer ka dib waxaa si hoose looga sii daayey Xabsiga, dhinaca kalane 2 qof oo isla Hay’ada ka tirsan ayaa afduub loogu heystay Koonfurta Soomaaliya mudo 23 bilood ah, waxaana lagu soo daayay lacag fara badan, Arimahaan iyo Arimo la xiriira Dowlada Federaalka ayaa masuul ka ah in MSF ay isaga baxdo gabi ahaan Soomaaliya.
Dhinaca Puntland aad ayay Dowlada Puntland uga xumaatey iney ka baxaan Isbitaalka Gaaalkacyo oo hay’adaan shaqadiisa saameyn weyn ku leedahay, Sida ay Puntlandi warar ku hayaan Dowlada Puntland maanta ayaa MSF ogaysiisay iney isaga baxayaan Guud ahaan Soomaaliya oo Puntland ka mid tahay.
Dhinaca kale wararka aan heeleyno waxay sheegayaan in heshiiska u dhexeyyeye Puntland iyo MSF uu ahaa in ay MSF 2 bilood ka hor usheegaan Dowlada Puntland haday Wax iska badalaan heshiiska, arintaan ayaa ka mid ah waxyaabaha Puntland ay ka Xun yihiin, beri oo khamiis ah ayaa la filayaa in Puntland ay warsaxaafadeed ka soo saraan hadalka ka soo yeerey MSF.
Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa Puntlandi u xaqiijisey in MSF bixitaankeeda uu dhaawac weyn u geysanayo Isbitaalka Gaalkacyo,
Puntlandi.com
Garowe