Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Puntland oo ka hadashay Go’aankii MSF ay ku joojiyeen howlihii ay ka wadeen Soomaalia

$
0
0

$Hay’ada Samafalka MSF ayaa go’aan ku gaartey iney joojiyaan dhamaan Howlihii ay ka wadeen Soomaaliya,tasoo saameyn ku yeelatay Puntland, Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa ka hadashay Go’aanka MSF, iyagoo ku tilmaamey go’aan mid saameyn weyn ku yeelanaya Boqolaal bukaan ah iyo boqolaal shaqaale ah oo ka shaqeeya Adeegyada Caafim,aad ee qaybo ka mid ah Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo wareysi arintaan ku saabsan ay la yeesheen Radio Garowe ayaa tilmaamey iney ka Xun yihiin go’aanka MSF inuu saameyn ku yeesho howlihii ay ka wadeen Puntland iyadoo aysan marnaba dhicin iney dhib kala kulmaan Puntland.

”Saamayn bay ku yeelanaysaa Puntland, muddo dheer bay dalka joogtay MSF, hawl baaxad wayn bay ka haysay qaybo ka mida Isbitalka Galkacayo, Waxaan ka xumaaney sababta shaqada ay u joojiyeen MSF in lagu tilmaamey Amaan xumo ka jirta Koonfurta tasoo wax saameyn ah aan ku lahayn Puntland” Ayuu yiri wasiirku.

Hoos ka dhagayso Waraysigii Wasiirka

Bogaan furo si aad Mobilka ugu dhagaysato


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles