Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Beesha caalamka oo Xalane mid mid ugu canaantey Madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo Gudoonka Baarlamaanka

Kulankii maanta ay Safiirada Beesha Caalamka uga wakiilka ah Soomaaliya ay la qaateen Masuuliyiinta ugu sareeya Dowlada Federaalka ayay Beesha Caalamku hoosta ka xariiqeen in la joojiyo ololaha ka socda Baarlamaanka.

Waxaa si gaara loola hadley Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka oo si cad loogu sheegey iney joojiyaan Mooshinka laga keeney Xukuumada ee curyaamiyey Baarlamaanka dhexdiisa.

Kulanka maanta ayaa Beesha Caalamku sheegeen iney Muqdisho maanta u yimaadeen iney xaqiijiyaan in la joojiyo xurgufta siyaasadeed ee curyaamineysa hanaanka geedisocodka ay Soomaaliya hiigsaneyso 2016.

Kulankaan oo ahaa mid Xasaasi ayaa mid mid loola kulmey Masuuliyiinta Soomaaliya waxaana loo canaantey si kulul waa sida puntlandi xogta ku heleene.

Puntlandi
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles