Buuq iyo Sawaxan ka dhexbilowdey gudaha Golaha shacabka kadib Gudoomiye Jawaari isagoon hadlin ayuu isaga baxay Baarlamaanka,
Xildhibaanada ayaa badankoodu eed dusha uga tuurayaan Gudoomiye Jawaari oo ay ku eedeynayaan inuu yahay Nin jilicsan.
Mid ka mid Xildhibaanada oo Puntlandi la hadley wuxuu yiri “Kuli fidmo waa Jawaari, Xalay fiidkii waxaa lagu kala seexdey inuu kulanka maanta uu baaqdey laakiin isla xalay ayaa Madaxweynuhu u yeerey Jawaari wuxuuna ku khasbey inuu Baarlamaanka Furo, Saqdhexe baa Xildhibaanada Fariimo loogusoo direy Mobilka la leeyahay Baarlamaanku wuu kulmayaa subaxa sabtida oo maanta ahayd, Xildhibaanada badankoodu way hurdeen xiligaas fariimaha lasoo direy, saakana iyagoon Quraacan bay orod ku yimaadeen, Waxaa halkaas ka cad in Xafiiska Madaxweynaha laga hagayo Baarlamaanka.”
PUNTLANDI.COM
MUQDISHO