Muqdisho–14 Nov.2014–Pi– Wafdi Maraykan ah ayaa beri oo sabti ah 15 Nov. Waxay imanayaan Muqdisho kuwasoo la kulmi doona Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, Waxaa sidaas warka ku heley Puntlandi.com.
Wafdiga Maraykanka ahi waxay Garoonka Diyaaradaha Aaden Cade kula kulmi doonaan Gudoomiyaha mana jiro tafaasiil intaas dheer oo laga hayo kulankaas iyo wuxuu ku saabsan yahay.
Balse waxaa jira warar kale oo iyana sheegaya in Wafdigu ay Jawaari kala hadli doonaan qaska ka taagan Baarlamaanka dhexdiisa, Mooshinka ay wadaan qaar Xildhibaanada ka tirsan iyo dacwo ay shalay Beesha Caalamka u gudbiyeen Xildhibaanada diidan Mooshinka.
Wararka kale ee aan heleyno waxay sheegayaan in Gudoomiye Jawaari uu baajiyey qorshe uu ku damacsanaa in ay Baarlamaanku kulmaan beri oo sabti ah waxaana baajinta keeney codsi ka yimid Dhinaca Wafdiga Maraykanka oo dalbadey inaan wax kulan ahi uusan dhicin inta iyaga iyo gudoomiye Jawaari ay kulmayaan.
Wafdigaan lama ay kulmayaan Cod kale oo markay ka dhameystaan danta ay ugu imaanayaan Jawaari waxay dib ugu laabanayaan Nairobi, Waxaa sidaas loo xaqiijiyey Puntlandi.com
Puntlandi.com
Muqdisho