Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Warqad Furan oo ku socota Raysal wasaare cabdiwali Sheikh Ahmed

$
0
0

Qore: Xuseen Caroog
Sweden. aroog6@hotmail.com

Mahad ilaaha weyn ayaa iska leh, sharaf iyo hufnaana Nabigeenii Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato. Inadeer marka hore waan ku salaamayaa, marka xigta shar iyo shaydaanba alle ha kaa hayo. Waxaan rajaynayaa inaad qoraalkeygan arki doontid ama Shaqaalaha Saxaafada u qaabilsan xafiiskaaga ay kusuu gaarsiin doonaan oo aad si fiican u dhuuxi doontid nuxurkiisana aad ku go´aan qaadan doontid.

Dad badani waxay moodayaan in khilaafka adiga iyo madaxweynaha idinka dhexeeayaa uu ka dhashay isku shaandheynta kooban ee aad ku samaysay golaha wasiirada, laakiin aniga iyo adiguba waan ognahay in khilaafku intaas ka gun dheer yahay oo ka fogyahay.

SALKA KHILAAFKA:-

Salka khilaafku ma aha mid idinka dhexeeya adiga iyo madaxweynaha laakiin waa mid ka dhexeeya dad Faderaal doon ah iyo dad federaal diid ah. Madaxweynaha iyo kooxdiisu, soomaaliya oo faderaal noqota waxay ka xigaan dagaal iyo inay ku bixiyaan qiime kasta xitaa haddii lagu waayayo dowladnimada soomaaliya.

Dhowrkan tallaabo oo is xig xiga ee aad qaaday ayuu madaxweynaha iyo kooxdiisu ku goáansadeen inay dagaal kugu qaadaan qiime kasta oo uu ugu kaco;-

1- Waxaad markii u horeysay ee xafiiska qabatay si cad ugu dhawaaqday inaad aaminsantahay mabd´a faderaalka khasabna ay tahay in soomaaliya laga hirgaliyo.

2- Safarkaagii Shabellada Hoose ee aad la kulantay dadkii dhulkaas degaan ee lagu soo duulay, taasoo dhalisay in beesha madaxweynuhu oo ugu horeeyaan madax dhaqameedkooda, siyaasiyiinta, iyo saraakiishoodu ay kuu cadeeyeen inay kaala noqdeen kalsoonidii.

3-Aqoonsigii Jubaland iyo safarkaagii nabadeynta ahaa ee Kismaayo, taasoo madax wareer iyo jaahwareer ku riday madaxweynaha, kooxdiisa iyo beeshiisa faderaal diidka ah.

4-Aqoonsigii 3da gobol ee koonfur galbeed iyo booqashadaadii Baydhabo oo la ogaa dhawaaqii iyo dhiilladii colaadeed ee ka soo yeertay Wasiir Goodax Bare, Nabadoon Xasan Xaad iyo nabadoon Axmed Diiriye.

5-Safarkaagii iyo heshiiskii caalamku isugu yimid oo Federaalka iyo dowlada Puntland aad dhex dhigtay oo dibed iyo gudaba ay taageereen dadka Soomaaliyeed ee Federaalnimada aaminsan.

6- Iyo ugu dembeyntii taabashadii aad taabatay Farax C/Qaadir.

Dadka soomaaliyeed, marka laga reebo Madaxweynaha, kooxdiisa iyo beeshiisa ma oggola wax aan ka ahayn Federalism, kooxda Federaal diidku way halgamayaan, way dheelmanayaan, hanti ayey ku biixinayaan, xitaa dagaalbey ka xigaan in la fashiliyo in soomaaliya aananay Federaal noqon marna, laakiin dadka Federaal doonka ahi ee la rabay inay difaacaan Faderalismka iyo cidda u taagaanba wey ka hurdaan arrintaas, tusaale Puntland waxay tiri khilaafkaas dhex dhexaad ayaan ka nahay, Jubalandna waa ka aamustay.

Waad aragtaa dhulkii Soomaaliyeed marka laga reebo dhulka beesha madaxweynaha ay degaan ama u badanyihiin (Muqdisho, Jowhar, Beledweyne, Dhuusamareeb iyo koonfurta Gaalkacyo) waxay dhisteen dowlad goboleedyadii Faderaalka ka mid noqon lahaa (Puntland, Jubbaland, Konnfur galbeed iyo Somaliland).

In 4ta gobol iyo barka beesha madaweynuhu degaan ama u badanyihiin u taagnaadaan gobol gobol sidii 1990 dalku ahaa maalin kastana madaxweynu dhex wareego dadka maamulada dhisanaya waxaa loo daliishan karaa inaanu madaxweynuhu dhib mooyee dheef u wadin dadkaas maamulada dhisanaya ee uu ku dhex jiro habeen iyo maalin.

Alshabaab waa laga xoreeyey 4ta gobol iyo barka si horumarka iyo deeqaha beesha caalamku u gaaraan, laakiin waad ogtahay in loo hibeeyey Buaale, Gedo iyo Jubada hoose si aanay qeybtooda u helin horumarka beesha caalamka.

Dad badan ayaa daawanayey habeenkii dhaweyd ee madaxweynuhu TV ka hadlaayey, wuxuu sheegay in intii dalka uu madaxweynaha ka ahaa uu dalka gaarsiiyey in jaamacado bilaash ah uu ka hirgaliyey, wadooyin badan oo laami ah la dhisay, dalka nalal cadceeda ku shaqeeya laga hirgaliyey, isbitaalo casri ah la sameeyey, wiillka ku nool Bakool ama Bu´aale ama Gedo ee khudbadaas dhegeysanayey sidee buu u arkayaa hadalka madaxweyanaha? Wuxuu u arkayaa madaxweyne Muqdisho.

Baarlamaankii dalka ee hiil u noqon lahaa cadaalada iyo hirgelinta Faderaalka, maalin kaliya ma weydiin madaxweynaha waar wa adiga dhex wareegaya dadka maamuladooda dhisanayee mee maamul goboleedkii dhulka beeshaadu degto? taas bedelkeeda waxay ku qanceen inay laaluush ku nool noqdaan Xasan Shiikh iyo Faarax C/qaadir hadba dowladii ay ridayaan u adeegsadaan.

Waad ogtahay dhulka beesha madaxweynu degto ma jirto laba kooxood oo iska soo horjeeda oo siyaasada ku loolamaya, halka deegaanada kalena la abuuray kooxo ku hardamaya siyaasada. Waa ogeyd siyaasiyiintii iyo aqoonyahanadii kor u dhaafayey 40 ka xubnood ee mudisho u dhashay ee damcay inay banaadir iyo Sh/Dhexe maamul goboleed u sameeyaan, maxaa ku dhacay? Waxaa laga adeejiyey Muungaab oo hal jaban iyo hal jiis ah ka dhigay oo waxay noqdeen wax la xiray iyo waxaa dhuumasho ku abaaday. Maxaa ku dhacay siyaasiyiintii kale ee siyaasada Xasan Shiikh wax ka sheegay ee uu ka mid ahaa C/Laahi Shiikh iyo guddoomiyihii degmada. Lagama oggola dhulka beesha madaxweynu degto laba qof oo iska soo horjeeda, laakiin Baydhaba haa! Kismaayo Haa! Gedo Haa.

waxaan waxaas oo warbixin ah kuu siinayaa inaan ku dareensiiyo waxa ka jira dalkeeana. Waxaa ii muuqata inaad keli ku tahay waxa aad aaminsantahay (Dowladnimo ku dhisan Faderalism) inta aaminsana aanay diyaar u ahayn inay kula dagaal galaan oo arrintooda tahay tii Ruushka ”Waan ku garab taaganahay” , sababo badan darteed.

Si Aad ah ii Dhagayso
1- Yaan lagu khiyaameyn oo ha yeelin heshiiska been beenta ah ee Xasan Shiikh iyo Jawaari kugu khiyaamayaan.

2-Xasan Shiikh iyo Jawaari waa isku mabda` mabda´ooduna waa inaad ama Faarax soo celiso ama aad meesha ka baxdo.

3-Haddii aad Faarax heshiis ka gasho waxay la mid tahay adigoo xabad isku dhuftay.

4-Dad badan oo aan ka mid ahay waxay aad u dhibsadeen ninka waxaas sameynaya ee toos u yiri waxa raysalwaaruhu qoray waxba kama jiraan inaad kolna garoonka ku sii sagootido marna ku soo dhaweyso isna intaas dhoola tus ka dhigto.

4- Heshiiska been beenta ah ee Xasan Shiikh iyo Jawaari wadaan ujeedkiisu waa Shirka denmark si caalamka loo khiyaamo oo la dhaho waan dhamaynay khilaafkii dowlada si lacagtaas muqdisho loo raadiyey aan loo waayin, markii la soo noqdana howshii la dhamaystiro oo mooshinkii la socodsiiyo.
Sidaas darteed, walaale waxaan kugula talinayaa inaadan marana ka soo dabcin mowqifkaagii saliimka ahaa ee Somaalida qabiilka ka nadiifta ah iyo beesha caalamku kugu taageereen oo haddii baarlamaanka beesha caalamku ku qirtay laaluush qaatayaal ay kaa codeeyaan aad xilka iska wareejiso adigoo geesi ah, adigoo wadani ah iyo adigoo taariikhdu ku xusi doonto.

Iga gudoon salaan walaalnimo.

Walaalkaa Xuseen Caroog
aroog6@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles