Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Norway– Abdirasaaq Ali Hassan oo ka mid noqdey dadka Xisbiga Shaqaalaaha u Sharaxan Golaha Deegaanka Gobolka

$
0
0

cabdirsaaq
Shir ay yeesheen xubnaha xisbiga shaqaalaha gobolka Hedmark ee Dalka Norway oo lagu dooranayey dadkii uga qaybgeli lahaa doorashada soo socota ee golaha deegaanka heer gobol iyo mid degmo ayaa ka dhacay degmada Elverum ee gobolka Hedmark maalintii sabtida 1da November.

Waxaan la soo bandhigay liiskii tartamayaasha oo ay soo gudbiyeen gudigii doorashada, waxaana la isku raacay 39 xubnood inay dooshada soo socota 2015–2019 heer gobol u tartamaan iyagoo matalaya xisbiga shaqaalaha gobolka Hedmark (Hedmark AP) waxaana magaca dadka ajnabiga ah iyo kan soomaaliyeed ugu jira xildhibaan Abdirasaaq Ali Hassan horeyna u ahaa xildhibaan laga soo doortay degmada Stange gobolka Hedmark, waxayna arintaan magaca iyo sharafba u tahay umadda soomaaliyeed ee ku nool Norwey, 6 Nocember waxaa dhici doonta magacaabistii xildhibaanada heer degmo iyadana wuu ku jiraa liiska magacyada xildhibaanada degmada Stange 2015–2019 hambalyo xildhibaan Abdirasaaq ayaan leenahay iyo nasiib wanaagsanaa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles