Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faalo Xiisao badan– Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli muxuu salka ku hayaa?

$
0
0

Xasan cabdiwali
Tan iyo intii ay dowladii dhexe ee Soomaaliyeed burburtay 1991 waxaa dalka soo maray dowlado aad u faro badan.  Dhamaan masuuliyiintii dowladahaasi waxay xilka intii ay hayeen ku dhamaysteen khilaafaad iyo dagaal joogto ah oo curyaamiyay hanaan socodkii shaqada dowlada.   Ma jiro Madaxweyne dalka soo maray 15 sanadood ee ugu danbeeyay oo aysan is hardin ama fooda is darsan Ra’iisal Wasaarayaashii uu magacaabay.

Tusaale:

Madaxweyne Cabdiqaasim:  Waxaa intii uu xilka haayay soo maray sadex Ra’iisal wasaare dhamaantooda dagaal iyo burbur ayaa dowladoodii ku danbaysay sida : Ra’iisal Wasaare Dr. Cali Khaliif Galaydh, Col. Hassan Abshir Farah iyo Maxamed Cabdi Yusuf.

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf :  Waxaa soo maray Ra’iisal Wasaare Dr. Cali Maxamed Geedi iyo Col. Nuur Xassan Xuseen “Nuur-Cadde” ,  khilaafkii dheeraadayna aakhrikii wuxuu sababay in Madaxweyne Cabdullahi Yusuf is casilo.

Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Hassan:  Waxaa soo maray Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ,  Cumar Cabdirashiid iyo Dr. Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”  , aakhirkiina si dowladu aysan u burburin khilaafkii labada shariif awgeed, waxaa la soo saaray “Kampala accord”, oo qeexayay inaan wax motion ah laga keeni karin madaxweynaha, walaa Ra’iisal Baarlamaan , walaa Ra’iisal wasaare si dalka looga saaro dowlad ku meel gaarnimada.

Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud:  

Maahmaah yar–’ Nin ayaa hada ka hor guursaday Xaas aad raaliyo u ah, oo caano ma daadshe ah, xaaskaasi weligeed ma oran mana samayn wax ninkeedu ku farxo maahee wax uu ka xanaaqo ama naco.  Dadkii oodhan baa afka saaray nasiibka ninkaas iyo sida Eebe ugu soo aadiyay qofta sifooyinkaan wacan leh.  Nasiib daro, maalin ayuu isagoon cidna kala tashan sadexdeedii dalqadood siiyay.   Dadkii oo la yaaban kana naxay furitaankaas, ayaa waxay yiraahdeen war Guuleed, inkaarqabe, maxaad Alle macadaabtadii u furtay?   Guuleed ayaa wuxuu ku jawaabay, waa run oo qoftu maahayn qof la heli karo, laakiin naftayda iyo aakhiradaynta ayaan u baqay iyo in la igu cadaabo, maxaa yeelay xaqeeda ma fulin karin,  raalinimadeedu mid xad dhaaf ah ayay ahayd  (in other words, she was too much loyal).

In kastoo wax rag loogu maahmaaho aysan ahayn, hadana Madaxweyne Hassan isagoo haysta RW Saacid, wax dhib ah oo dhexdooda ka jirana aysan jirin ayunbuu dharaac cad yiri ninkaan ma wada shaqayn karno, lacag aad u badana ku kharaj gareeyay eristiisii iyo keenistii motion-ka.

Sidaas ayaana waxaa booskii nasiib u yeeshay Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh…  

Muxuu yahay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli

Khilaafkaani waa mid salka ku haya xusul duubka iyo diyaargarowga doorashada 2016.  Hadaan hadalka sida kale u dhigo, waxaa jira istaraatiijiyo ama qorshe ay Madaxweyne Xassan kooxdiisu wadato kaas oo ah si rajada Madaxweyne Xassan dib u doorashadiisu u fududaato in la xaqiijiyo dhowr arimood oo muhim ah sida;

1- in kooxda Madaxweynuhu gacan weyn ku yeeshaan dhismaha dowlad goboleedyada si markaasi dadka ku soo baxaya ay u noqdaan dad saaxiibo dhow la ah hadhowna u sahli kara codka helista maamuladaas iyaga ah.  Taas ayaana keentay diidmadii  maamul u samayntii Jubbaland, Faragelinta maamul u samaynta Koonfur Galbeed, iyo dedejinta Maamulka Gobolada dhexe, dagaalada Dhul balaarsi eeka socda Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada hoose,  dedejinta iyo dardar gelinta wadahadalka Somaliland, iyo khilaafka Maamulka Villa Somalia iyo Puntland.

2- in Kooxdani ay xakamayso ama gacan adag ku qabato dib u habaynta dastuurka dalka si dastuurku dalku yeelan doono uu u noqdo mid u saamixi kara qorshaha Madaxweyne Hassan iyo taageerayaashiisu ay u dejiyeen xuduudaha iyo awoodaha maamulada la dhisayo, wiiqista Federaalka,  awood iyo  khayraad qabsiga dalka iwm.  Intaa waxaa sii dheer, qorshe hoosaad kale oo oranaya si aysan Garsoorka madaxa banaani unoqon caqabad waa in la xakameeyee lana hooskeenaa  Wasaarada Cadaalada si aysan u carqaladay qorshayaasha aan kor ku soo xusay.

Hadaba, iyada oo uu hore u jiray isku dhac labada masuul iyo kala duwanaan hanaan iyo qaab maamulka shaqo ee labada masuul, ayaa waxaa arintii cirka ku sii shareeray Heshiiskii uu Ra’iisal Wasaare Cabdiweli la soo galay Dowlad Goboleedka Puntland, kaas oo ay Madaxweyne Hassan iyo taageerayaashiisu u arkeen mid carqaladaynaya qorshahooda 2016, gaar ahaan maamul u samaynta Gobolada dhexe oo ay qorshaynayaan in laga soo saaro labo dowlad goboleed, meesha hadii sida ku cad heshiiska Garoowe gobolka Mudug badankiis raacayo Puntland inta soo hartayna aysan saamixi doonin in la helo maamul goboleed waafaqi kara shuruudaha ku cad dastuurka dalka oo dhigaya in labo Gobol (oo ka mid ah 18kii gobol) iyo ka badan ayaa samaysan kara Maamul Goboleed, sidaa awgeed aysan Galmudug iyo Galgaduudi aysan Maamul Goboleed u noqon karin.

Waxaase khilaafka kor ku xusan ka sii daray oo cirka ku sii shareeray Xilka qaadistii Mudane Faarax Cabdulqaadir , arintaas oo Madaxweyne Hassan u arkay laf dhabartii iyo  udub dhexaadkii dowladiisa oo la siibay, talaabadaan oo hadii ay hirgasho dhabar jab ku noqon doonto dhamaan qorshihii dib u doorasho ee 2016.

Khilaafka Garsoorka Madaxa Banaan iyo Wasiir Faarax Cabdulqaadir

Dowladi xor ma noqon karto hadii aan la helin Garsoor xor ah, taas ayaana keenta in dowladaha dimoqraadiga ahi ay ka kooban yihiin sadex laamood oo kala madax banaan balse midba midka kale kabayo , lana xisaabtamayo.   Garsoorka (Maxkamaha Sare, Maxkamada Dastuuriga iwm.)  Baarlamaanka (Xeerdajin) iyo Dowlada (Fulinta). 

Sadexdaa laamood waxaa ugu awood badan Garsoorka oo ah hay’ada ugu awooda badan taas oo shaqadeedu tahay xaqiijinta ku dhaqmista iyo ilaalinta Dastuurka iyo in labada laamood ee kale aysan isku xadgudbin.   Baarlamaanka shaqadiisu waa xeer iyo sharci dejinta , la xisaabtanka dowlada iyo xaqiijinta habsami socodka dowlada.  Iyo laanta ugu danbaysa oo ah Dowlada (Madaxweynaha, R’iisal Wasaaraha iyo Wasiirada) taas oo shaqadeedu tahay maamulka dalka, maaraynta hantida dalka, ilaalinta amniga , iyo u adeega bushada.  

Sidaa awgeed, isku daygii Mudane Faarax Cabdulqaadir oo adeegsanaya Guddi uu magacaabay uguna yeray Guddiga Adeega Garsoorka Dalka uu rabay inuu Garsoorka dalka hooskeeno wasaarada Cadaaladu waa mid meel ka dhac ku ah hanaan socodka Dowladnimo, dhawacna ku ahaa xornimada Garsoorka ,  waxaana dhici lahayd in dowlada maanta jirta lagu tilmaami lahaa mid aan dimoqaraadi ahayn maadaama Garsoor xor ah uusan jirin.  Nasiib wanaag , isku daygaas waxaa si kulul uga hor yimid Gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Ilkaxanaf isagoo si cad ugu sheegay in Mudane Faarax Cabdulqaadir uusan xaq u lahayd magacowga guddiga Adeega Garsoorka,balse guddigaasi jiro yahayna sida sharciga ah oo madax banaan oo aan wasiirka cadaaladu amri karin ama unki karina.

Khilaafkii Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli oo taagan, isku shaandhayntii wasiirada gaar ahaana Faarax Cabdulqaadir arintiisa oo la isku haysto, Khilaafkii Garsoorka iyo Wasiirka Cadaalada oo taagan , ayaa waxaa dhacday in Madaxweyne Xassan shaqadii ka eryay 21 Garsoorayaal Maxkamadeed, taas oo bansiin ku sii shubtay siina hurisay khilaafaadkii Dowlada iyo Garsoorka.

Madaxweyne Hassan iyo Motion ka keenista Ra’iisal Wasaare Cabdiweli

Madaxweyne Hassan oo talo ku ceegaagtay kadib markii ay khatar gashay qorshihiisii dib u doorasho ee 2016 iyo isagoo arkay hadii Faarax Cabdulqaadir booska lafdhabarka ah (Wasaarada Federaalka iyo Cadaalada) laga qaado in awoodii uu ku dhexlahaa gollaha wasiirada wiiqmayso , go’aansaday si qorshahaas loo badbaadsho in shaqada laga eryo Ra’iisal Wasaare Cabdweli si booska loo keeno cid fulin karta qorshahaan sida Wasiir Xalane oo kale iwm..

Beesha Caalamka oo ka hor timid qorshihii Shaqo erin ee Ra’iisal Wasaare:

Beesha caalamka oo uu wakiil ka yahay Ambassador Nicholas Kay, iyo Xulafadiisa sida EU , Maraykan , AU, IGAD etc.. ayaa qorshihii madaxweynaha gaashaanku u daruuray ugana digay isaga iyo Gollaha Baarlamaankuba inaysan ku dagmin qorshahaas isaga ah.

Hadaba waxaa isweydiin mudan waxa sababay in Beesha Caalamku faragelin iyo digniin intaa le’eg la timaado.

Waxaa jira in arimo badan oo dowladaani balan qaaday fulintooda hore loogu hungoobay sidoo kale in qorshayaashii sida ku cad dastuurka dalka ay dowladaani ahayd inay qabato aysan wax sidaa u buuran ka samayn, sida Dhisida Maxkamad Dastuuri ah, Gollaha Shuyuukhada, Dib u habaynta Dastuurka iyo afti ka qaadista shacabka, dib u heshiisiin run ah, Dhismaha iyo Dhamaystirka Dowlad Goboleedyada, diwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed iyo in dalka loo diyaariyo inay ka dhacdo afti xor ah.

Sidaa awgeed, beesha caalamka oo Malaayiin Doolar hore u gelisay dhismaha dowlada, la dagaalanka Al-Shabaab iyo burcad badeedka, dhismaha ciidanka, guno siinta Xubnaha baarlamaanka iyo shaqaalaha kale ee dowlada, ayaa fadhiidnimada dowladaan iyo isqabqabsiga shaqsiyadeed u arkay wax aan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u cuntamin.

Waxaa intaa sii dheer, iyadoo beesha caalamku ku guda jirto sidii dhaqaale wax ku ool ah loogu uruurin lahaa Soomaliya oo lagu wado in shir ka dhaco Denmark bisha aan ku jirno gudaheeda in Madaxaynihii shir gudoonka ka noqon lahaa waa Madaxweyne Xassane u dhaqmo si aan laaqi u ahayd dowlad xor ah oo dimoqraadi ah, taas oo ay beesha caalamku taageeri karto maadaama ay dowladaani isku dayayso xakamaynta Garsoorka xorta ah iyo inay Baarlamaantii ka dhigtay golla loo adeegsado shaqsi eryis ee aan loo adeegsan sharci dejin.

Hadaad dhuuxdo qormada ay soo saaray UN iyo EU waxaad arkaysaa in digniin cad ay ku qoran tahay sida: 

EU oo tiri ildheer ayaanu ku eegaynaa ficilka uu baarlamaanku qaado  -  taas micnaheedu waxay tahay anagaa xubin kasta oo baarlamaanka ku jirta siina $3000 oo doolar bil kasta oo mushahaar ah , ciidanka idin ilaaliya gunada iyo nafaqaba siina, sidaa awgeed talaabada aad qaadaan waxay yeelan doontaa cawaaqib xumo.

Meesha wakiilka UN yiri; talaabada aad qaadaan waxaan horgayn doonaa gollaha amaanka, taas oo micnaheedu tahay cidii dhaawacda geedi socodka hanaanka dowladnimo waxay dhaxli doontaa talaabo aysan ku xamdin.

Warcelintii Madaxweynuhu waxay noqotay qar iska xoornimo siyaasadeed iyo dalka waa xor ee shu’uuntiisa daakhiliga ah faraha kala baxa.   Jawaabtaani waxay nasoo xusuusisaa Ra’iisal Wasaare Farmaajo isagiina meeshuu ku danbeeyay waaba la ogaa.  Kolkaa waa run oo dalka xornimadiisa iyo madaxbanaanida dowlada waa in la ilaaliyo,  laakiin xigmada iyo mandaqu wuxuu kuu sheegayaa inay lama huraan tahay in duruufaha kugu xeeran tixgelinteeda la qadariyo.

Madaxweyne Xassan ma ilaaway in amnigiisa ay sugaan ciidamo Ajaanib ahi, ma ilaaway inay gunadiisa bixiyaan beesha caalamku, ma ilaaway in dowladiisu aysan maalin taagnaan karin taageerada UN iyo EU la’aanteed.  

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Lama gooyo geed wayn hadduu kuu gabbaad yahaye”,  maanta gabaadka Soomaali haysato maaha shilimaadka khaliijka ee doorasha lagu galo, iyo rasaasta Itoobiya iyo Kenya,  balse waa taageerada aan kala go’a lahayn ee ee beesha caalamku gaar ahaan EU , UN iyo US la garab taagan yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed tan iyo burburkii dowladnimo ee 1991.

Gebagebo:

Hadaad eegto maanta dalku meesha uu marayo iyo dhaawaca ka iman kara sii socodka is qabqabsiga masuuliyiinta dowlada gaar ahaan Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli, waxaad arki in nasiib daro weyn ay tahay iyo “suicide” qar-iska-xoornimo siyaasadeed.

Maxaa yeelay , walow dhibaatooyin badan ay weli jiraan, hadana, waxaa muuqda rajo iyo iftiin yar oo baxaya kaas oo hadii la sii xoojiyo keeni kara in la soo afmeero mushkilada Soomaaliya, dalka loo horseedo dowlad rabitaan shacab ku timaada, unkis iyo dhamaystir maamul Goboleedyada dalka, xoraynta iyo xasilinta dhulka Shabaabka laga saaray ama dagaalku weli ka socdo, iyo dhamaystirka iyo afti u qaadista dastuurka qabyada ah. 

Waxaa intaa sii dheer in ay muuqato astaamo muujinaya in Bulshada Caalamku ay hada u soo jeesatay xasilinta Soomaaliya, kuwaas oo Malaayiin Doolar horay egeliya dalka , hadana wada qorshe dhaqaale uruurin loogu talo galay Soomaliya.  Sidaa awgeed, isqabqabsiga masuuliyiinta dalka ugu sareeya waxay dhaawac iyo dhabar jab weyn ku noqonaysaa dhamaan arimaha kor aan ku soo xusay.   Hadaba, waxaa isweydiin mudan waxa uu salka ku hayo khilaafkaan isaga ah.

Sidaa awgeed, Madaxweyne Xassan, Ra’iisal Wasaare Cabdiweli, Gudoomiye Jawaari iyo Dhamaan Xubnaha Baarlamaanka waxaan leenahay dalku ka weyn qof jeclaysi iyo nebcaysi, ka wayn shilimaad, ka wayn khilaaf labo masuul, ka wayn doorashada 2016.  Masiirkii ummada ayaa la idiinka fadhiyaa, sidaa awgeed, khilaafka dhinac dhiga, ixtiraama haykalka dowladnimo iyo kala madaxbanaanida sadexda laamood ee dalka, masuulkasta howshiisa halagu ixtiraamo hana ku ekaado qodobada shaqo ee uu farayo ama u saamaxayo dastuurku.  Beesha Caalamka iyo shirka Denmark ee deeq bixiyiyaashana ciid yaan lagu sayrin oo ummada Soomaaliyeed la seejin mustaqbal fiican.

Dhaqaalaha ummada magacooda lagu soo qaaday inaad shacabka ugu adeegtaan ayaa la idiinku dhiibay sidaa awgeed, hadii Motion iyo Doorasho aad u adeegsataan, taasi waxay meesha ka saari kalsooni danbe oo la idinku qabo iyo dhaqaale danbe oo gacanta la idiin geliyo oo la idinku aamino.

Ogaada dalka wuu idinka wada dhexeeyaa, sidaa awgeed yeesha dub iyo dulqaad aad ku wada shaqaysaan, idinkoo isku duubana u adeegtaan shacabka Soomaliyeed ciday yihiin iyo  meelay joogaanba. 

Hadii kale xaalkiinu waa  “Geelow soco, soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaa”!


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles