Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dhagayso Xildhibaan Abtidoon oo sheegey in Wasiiro la isku badalay aysan xukuumadu u dhacayn, wuxuu kaloo taageerey Hadalkii Nickolas Kay k

$
0
0

Muqdisho–4 Nov.2014– Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka FS oo la hadley caawa BBC ayaa sharaxay kulankii ay galabta isugu yimaadeen Xildhibaano kor u dhaafaya 110 xildhibaan , xildhibaanada ayaa ka hadley Khilaafka Masuuliyiinta Dowlada iyo Qoraalkii Ergaga gaarka ah ee qaramada Midoobey .

Xildhibaan Abtidoon oo ka hadlayay kulankaas ayaa sheegey in kulanka looga doodey Sadex Qodob, wuxuuna yiri “Qodobka kowaad wuxuu ku saabsanaa khilaafka Madaxweynah iyo Raysal wasaaraha,Markii laga doodey khilaafka waxaana nosoo baxdey in Wax la isku khilaafo Ayasan meesha oolin, laba wasiir oo Raysal wasaare isku badalay in la yiraahdo xukuumadaa loo ridayaa oo Baarlamaankaa lala kaashanayaa, Arintaas Qaladbay nala noqotey, Qodobka labaad wuxuu ahaa Qoraalkii Nickolas Kay iyo Beesha Caalamka ee ku saabsanaa in ay jiraan Xildhibaano laaluush qaata, Markaan ka doodney qodobkaas waxaa noosoo baxdey in ay arintaas xaqiiq tahay oo qaar ka tirsan Xildhibanada codkooda la iibsanayo, Warkaas waa war jira”

Xildhibaan Abtidoon oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yiri “Hadaad Baarlamaanka timaado waxaad arkeysaa Dad masuuliyiin ah oo u ololeynaya Mooshinka, mooshinku ma ahan mid Baaarlmaanka ka yimid, waa mashruuc madaxtooyada laga keeney”

Xildhibanku wuxuu kaloo sheegey in maadaama mooshinkaan uu yahay mid lagasoo maloogay Madaxtooyada uu ka codsanayo Baarlamaanka inaan Baarlamaanka lakeenin.

Xildhibaanku isagoo hadalkii soo gabagabeynaya waxna laga waydiiye Xildhibaanada eedeeyey Nickolas Kay wuxuu yirir “Anigu maarag xildhibaano shirey lakiin hadii ay jiraan waxaan diin sheegaya hadi la yiri Waxaan ka walwal qabnaa in Xildhibaanada qaarkood Codkooda la iibsanayo, anagaa idiin sheegayna waa jirtaa oo Xildhibaanada codkoodaa la iibsanayaa, marka taas eed ku noqon mayso Beesha Caalamka, Warkay Beesha Caalamku soo saareena Xildhibaanada 110 ah ee galabta shirey oo xitaa qaar wasiira ah ku jiraan waan la qabnaa Walwalka ay qabaa Beesha caalamku” Puntlandi.com

Hoos ka dhagayso hadalka Xildhibaan Abtidoon


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles