Muqdisho–04 Nov. 2014–Pi– Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo kamid ah xldhibaada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo Saxaafada Muqdisho la hadley maanta ayaa Beesha Caalamka ka codsadey in XaSan Sheikh uu khatar ku yahay Hanaanka geedisocodka iyo hiigsiga Qorshaha 2016, Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegey in hadalkii kasoo yeerey Ergeyg gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay uu ahaa mid xaqiida ka turjumaya.
Xildhiban sanyare ayaa wuxuu yiri “Looma dulqaadan karo Siyaasda qar iska xoornimada ah ee Madaxweyne xasan Sheikh uu k wado Baarlmaanka iyo guud ahaan Dalka, Waxaan Beesha Caalamka ka codsaneynaa in Xasan Sheikh laga qabto Soomaaliya, waa in la mariyaa wadadii uu maray Madaxweynihii Every Coast Madaxweyne Laurent Gbagbo.”
Xildhibaanka ayaa sheegey in Madaxweyne Xasan sheikh uu ku tuntay Dastuurka uuna khalkhal siyaasadeed iyo Musuq maasuq ka dhex ado Baarlamaanka si loo hareer maro Qaynuunka Dastuuriga ah ee Dalkau yal.
Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa Xildhibaano gaaraya 110 oo ku kulmey maanta Magaalada Muqdisho, waxayna ka arin sanayee sidii looga hortagi lahaa Mooshin ay ku tilmaameen in si ka baxsan Dastuurka la doonayo in Baarlamaanka loo hor keeno, kaasoo la damacsan yahay in lagu rido Xukuumada.
Puntlandi.com
post@puntlandi.com