Frankfurt, Germany: Waxaa la ogeysiinayaa Gudoonka, Xubnaha Joogtada ah , Aqoonyahanka, Odayaasha,Culimadda,Haweenka , Dhalinyaradda iyo dhamaan qaybaha kala gedisan ee ay ka kooban tahay Daladda Jaaliyadda Puntland Diaspora Forum in Germany ee ku nool dalkan Jarmalka inay ka soo qeyb galaan shirkii sannad walba la qaban jirey ee Jaaliyadda PDF in Germany oo ka dhacaya Sannadkan Magaaladda Frankfurt ee dalka Jarmalka.
Shirkan ka dhacaya Sabti,08 Nov 2014 ayaa looga hadli doonaa Ajandayaal dhowr ah, kuwaas oo kala ah.
a. Warbixin ku saabsan mudadii sannadka aheyd ee la soo dhaafey wixii uu qabtey iyo waxa horyaal xilligan Jaaliyadda PDF in Germany.
b. Warbixin ay soo jeedin doonaa xubno gudoonka iyo golaha joogtada ka mid ah oo booqasho ku tegay dalkii hooyo ee Puntland.
c. Dhameystir iyo balaarin lagu sameyn doono Xubnaha joogta ah iyo wakiiladda Goboladda ee daladda PDF in Germany.
d. La kulanka ,sagoontinta iyo u mahad celin Gudoomiyaha Daladda PDF in Germany Dr. med. Ahmed Abu Shacar oo dalka ka guuraya una guuraya dhulkii hooyo ee Puntland si uu wax ugu qabto dadkiisa iyo dalkiisaba inta noloshiisa ka hartey.
Shirkan ayaa wax uu ka dhici doonaa magaalada Frankfurt .
Cinwaanku ama Adressku waa:
Mainzer Landstraße 116
60327 Frankfurt am Main
Taariikhda iyo waqtigu waa :
08 November 2014
13:30 ilaa 18:00
NB: Fadlan waxaan ka codsanayaa dhamaan qaybaha kala gedisan ee ay ka kooban tahay Jaaliyadda PDF in Germany inay waqtiga ilaaliyaan , taas oo ah in ergooyin qaarkood ay meelo fogfog ka imaanayaan
Waxaad kala soo xiriiri kartaa wixii intaas dheer magacyadan hoos ku qoran.
1. Maxamed Cali-madhoodhe 0176-26926900
2. Mahdi Cabdisalaam Khalif 0176-30606882
3. Cabdidahir Ismaaciil Carabey 0176-70588510
4. Sahra Qoordheer 0163-5699585
Qoraal ka soo baxey: Puntland Diaspora Forum in Germany Office