Frankfurt, Jarmalka: Shir ka dhacey maalintii Sabtida ee ay taariikhdu ahayd 01-11-2014 waxaa lagu doortey Xarunta Qunsuliyadda Guud ee Dowladda Federalka Itoobiya ay ku leedahay magaaladaasi Frankfurt ee dalka Jarmalka Gudigii hogaamin lahaa Jaaliyadda DDSI ee ka dhisan dalka Jarmalka 2 sanno ee soo socota.
Shirkaas oo la isaga yimid Goboladda Jarmalka oo dhan sida Baden-württemberg, Bayern, Hessen, Rheindland-Pflaz,Nordrheind-Westfalen iyo Gobollada kale ee dalka intiisa kale.Shirkan ayaa qaban qaabadiisa iyo inuu najaxo waxaa hormood ka ahaa Godoomiyahii Nabadda ee ONLF, Eng. Saalahuldin Macow, Siihaya Qunsuliyadda Guud ee Dowladda Itoobiya (Diaspora Officer) Ato Girma ,masuuliyiin la soo shaqeeyey AUN Gudoomiyihii hore mudane Axmed Cabdi Kare oo geeriyoodey sannadii 2013-kii badhtamaheedii iyo Ururka dhalinyaradda DDSI ee dalka Jarmalka oo maalinba maalinta ka danbeeysa sii xoogeysanaya.
Gudigan Jaaliyadda DDSI ee dalkan Jarmalka ee la doortey ayaa waxa ay shaqeyn doonaan muddo 2 sanno ah ayagoo loo qeexay wadda ama Roadmap ay ku shaqeeyaan sida.
1. Inay isu raadiyaan ama isuna keenaa dhamaan Ururadda ku abtirsada DDSI ee ka jira dalkan Jarmalka oo ay ayagu dallad ugu noqdaan.
2. Inay ka qayb qaataan dib u dhiska dhulka , kaalmooyin iyo deeqana u raadiyaan Bulshada DDSI.
3. Inay hormood ka noqdaan sidii ay nabadda u sii xoogeysan lahayd ay manta cagta saartey DDSI iyo Qoomiyadaha kale ee itoobiyadda Cusub, wacyi gelina u sameeyaan Bulsha DDSI ee ku nool dalkan Jarmalka.
4. Inay buuxiyaan kaalintii Soomaalida Itoobiya ay ku lahaayeen Jaaliyaddaha Qoomiyaddaha Itoobiya ee ku nool dalkan Jarmalka.
Gudigii loo dhisey Jaaliyadda DDSI ee dalkan Jarmalka ayaa ka koobnaa 9 Xubnood oo ay 6 ka mid ahi fulin yihiin 3-da kalena ay ku kormeeraan habsami u socodka howlaha loo igmadey.
1. Gudoomiye Cabdirashiid Shariif
2. Gud-xigeen Cabdirashiid Shuqul
3. Xoghaye iyo dhalinyaradda Farxaan Cawil Shire
4. Khasnaji Axmed Xassan Xaali
5. Arrimaha Bulshada Maxamed Cali Farax (Bobyad)
6. Arrimaha Haweenka Asili Macow
7. Cabdixayi Cabdi Cawil
8. Bashiir Muxumed
9. Cabdiqani Axmed Gani
Dhisida Gudigan ka dib ayaa waxaa meeshaas ka hadley oo garab istaag iyo dardaaranba u sheegay dhamaan xubnihii la doortey Gudoomiyahii nabadda ee ONLF Eng Salahuldin Macow, Siihayaha Qunsuliyadda Guud ee Dowladda Itoobiya Ato Girma, Xildhibaan DDSI ka tirsan Cabdiweli Ukun iyo Bulshadii ka soo qayb gashey .shirkaas. Guud ahaan shirkii lagu dhisey Jaaliyadda DDSI ee dalkan Jarmalka ayaa wuxuu ku dhamaadey Jawi fiican.