Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynaha D.Puntland oo ka tacsiyeeyey geeridii AUN Taaliyihii Ciidanka Bileyska DF Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku geeriyoodey

$
0
0

tacsiMadaxweynaha Dowlada Puntland Mudane prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Dalka Emaratka Carabta Magaalada Dubai kunahadlaya Magaca shacabka Puntland iyo masuuliyiinta Dowlada Puntland ayaa ka tacsiyeeyey Geeridiiku timid Alla naxariistii jano haka waraabiyee Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaacil oo maanta ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tacsi gaara u direy Qoyskii,Caruurtii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu marxuumka ku tagay, wuxuuna Marxuumka Illaahay uga baryayaa Jano Waarta iyo dambi dhaaf.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo tacsi u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed ,Ciidanka Booliska iyo guud ahaan shaqaalaha Xafiiska Marxuumka ka baxay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles