Sida ay Howlwadeenada Puntlandi Xogta ku heleen Dowlada Puntland waxay sameyn doontaa Xafiis qaabilsan Arimaha Qurba joogta Puntland, Sanadka soo socda ee 2015 ka ama daba yaaqada sanadkaan ayaa Dowladu qorsheynaysaa soo bandhigida xafiiskaan.
Hirgalinta xafiiskaan ayaa lagu wadaa inuu dardar galiyo fududeeyana xiriirka Dowlada iyo qurba joogta Puntland, Dhinaca kalena Waxaa culeysku ka yaraanayaa Xafiiska Madaxtooyada oo badanaa Qurba joogtu soo wacaan markay wax u baahdaan.
Jaaliyadaha Dibada ee Puntland ayaa horey ugu jaha wareersanaa cida ay la xiriirayaan markay u baahdaan xiriir ay la sameeyaan Dowlada, hada ka dib Qurba joogtu waxay lasoo xiriirayaan Xafiiskaan oo qura markay wax uga baahdaan ama dano kale kasoo galaan Dowlada Puntland, dhinaca kale MAshaariicda ay qurba joogtu ka hirgalin doonaan Puntland waxay soo marsiinayaan Xafiiskaan oo u sahli doona waxay uga baahdaan Xafiisyada Dowlada.
Wakiilada Dowlada Puntland ee qurbaha ayaa iyana si toosa u hoos imaan doona Xafiiskaan.
Puntlandi.com
Garowe