Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wasiir Farax Cabdulqaadir oo hadii uu la wareegi waayo Wasaarada xanaanada Xoolaha waayi doona Wasiirnimada

$
0
0

farahWarar lagu kalsoon yahay oo ay heleen Howlwadeenada Puntland ayaa xaqiijinaya inuu jiro Qorshe ku saabsan Wasiirkii fulin waaya amarka Raysal Wasaaraha, sida aan xogta ku helney Wasiirada la isku shaandheeyey waxay Xilalka la kala wareegayaan todobaadka soo socda, Wasiirkii fulin waaya amaamiirtaasna wuxuu waayayaa xilkiisa, Waxaa sidaas Puntlandi u sheegey illo ka agdhow Villa Soomaaliya.

Wararka aan helney waxay farta ku fiiqayaan Wasiirka Cadaalada Farax Cabdulqaadir oo hada loo magacaabay Wasiirka cusub ee Xanaanada Xoolaha iyo Duurjoogta, balse ka dhaga adeygay inuu baneeyo xilka Wasaarada Cadaalada, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku amrey inuu iska dhaga tiro badalka Raysal wasaaruhu ku sameeyey uuna wato shaqada Wasaarada cadaalada, sida Puntland xogta ku heleen Mudane Farax ayaa xilka Wasiirnimada waayi doona haduusan la wareegin Wasaarada Xanaanada Xoolaha todobaadka soo socda.

Xilka ka wareejinta uu raysal wasaaruhu ku sameeyey Wasiirkii Cadaalada Farax Cabdulqaadir ayaa sabab u ah khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles