Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News— Qadobada ay PL iyo DF ku heshiiyeen oo Puntlandi qaarkood hordhac u heley

$
0
0

breaking nesHowlwadeenada Puntlandi ayaa ka heley qodobada lagu heshiiyey qaarkood illo ka agdhow wadaxaajoodkii u socdey Dowlada Federaalka iyo Dowlada Puntland.

Sida aan xogta ku helney qodobadii dhamaan waa la isla meel dhigey waxaana la saxiixayaa beri oo talasdo ah 14 okt.

Qodobada aan helney iyo sida loo dhigey waa sidaan.

1- Shahaadada waxbarashada Puntland: waxay la mid tahay shahaadooyimka Dowlasa dhexe aqoonsan tahay.

2- Xuduuda Puntland: heshiiska qoraalka ah waxaa sicad loogu cadeynayaa xuduuda Puntland, Khaasatan xuduuda Gobolka Mudug oo la cadeynayo.

3– Kheyraadka: Puntland waxay awood u leedahay iney heshiis caalami ah la gasho shirkadaha shisheeye,sida kuwa shidaalka, Kheyraadka Puntland laga helo dhaqaalaha kasoo baxa waxaa Umada Soomaaliyeed u qaybinaya Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyadoo qaybta ugu badan ay heleyso Puntland sadex meeloodoo meel 1/3. (Dhaqaalaha ay dowlada dhexe qaybineyso waa marka dhaqaalaha la helo laga jaro kharashaadka (faa’iidada ).

4-Deeqaha Dowlada Federaalku ka hesho Caalamka in Puntland qaybteeda ay hesho sharuud la’aan iyadoo Puntland masuul ka tahay maareynta iyo maamulida dhaqaalahaas ay qaybta u hesho.

Afartaan qodob ayaan hordhac u helney waxaana dhici karta in sidan si ka duwan ay warmurtiyeedka ugu qornaadaan.

Dhinaca kalena waxaa muran yar ka dhashey cida saxiixeysa heshiiska si uusan heshiiskaan u noqon heshiisyadii hore oo kale, waxaana la isla gartey iney saxiixaan shan saxiixe oo kala ah.

1 – Dowlada Federaalka Soomaaliya
2 – Dowlada Puntland
3- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
4- Beesha Caalamka
5- Xubin ka mid ah gudigii Dowlada Federaalku u magacowdey turxaan bixinta Dastuurka, Waxayna gudigu wakiisheen gudoomiyahooda Marwo Caashe Geele.

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles